Madaxa Abaanduuleyaasha Ciidamada Mareykanka, General Charles Q. Brown ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku yimid Gobolka Bariga Dhexe, xilli xiisadda gobolkaasi ay cirka isku sii shareereyso.
Taliyaha ayaa dowladaha gobolka qaarkood kala hadlaya, sidii looga fogaan lahaa isku dhac ballaaran, iyadoo ay xoogeysaneyso xiisadda ay ku lugta leeyihiin Iran, Xisbullah iyo Israel.
Taliyaha ayaa safarkiisa ku bilaabay dalka Jordan, isagoona uga sii gudbi doona Israel iyo Masar, si uu u dhageysto fekradaha Madaxda iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalkaasi.
Socdaalka Taliyaha ee Bariga Dhexe ayaa imanaya, iyada oo Mareykanku uu u muuqdo mid juhdi badani ku bixinaya dhameystirka heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
Taliyaha ayaa laga soo xigtay in soo afjarista colaadda Gaza ay hoos u dhigi karto heerkulka xiisadda weyn ee ka jirta gobolka.
Madaxweyne Joe Biden ayaa toddobaadkii hore sheegay in qorshaha lagu joojinayo dagaalka Gaza uu Iran ka baajin karo weerarka ay damacsan tahay in ay kaga aargudato Israel, ka dib dilkii Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee loogu gaystay Caasimadda Tehran.
Xabad joojinta Gaza ayaa la aaminsan yahay in ay caqabad ku tahay diidmada uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka muujinayo ka bixista ciidamadiisa ee koonfurta Gaza iyo Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza & Masar.
Sii socoshada dagaalka Gaza ayaa gobolka ku riixeysa isku dhacyo waaweyn, taasoo ah midda uu Mareykanku ka soo horjeedo.
Mareykanka ayaa isku dayaya in aysan guuldareysan wada hadalada Magaalada Qaahira, oo ah fursaddii ugu dambeysay ee looga hortagayo dagaal gobolka oo dhan ah.
Weerarada naxariis darrada ee Israel ka waddo Marinka Gaza, dilkii Ismail Haniyeh iyo carrada sii kordheysa ee ka jirta gobolka waxay soo dedejinayaan isku dhac ballaaran.
Hadafka ugu weyn ee Mareykanka waa dejinta xiisadda gobolka, si aanay colaadda Gaza u carqaladeyn doorashada bisha November ka dhaceysa dalka Mareykanka, dhibaatana ugu noqon danihiisa Bariga Dhexe.