Home Wararka Maanta Taliyihii Guutada 14-ka October oo toogasho lagu dilay

Taliyihii Guutada 14-ka October oo toogasho lagu dilay

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta gobolkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, xilli uu la hadlayay ciidamo uu halkaasi kula kulansanaa, isla-markaana uu rasaas huwiyay nin ku hubeysnaa qori AK47 ah.

Ma cadda in ninkaasi uu ka tirsanaa ciidamada oo khilaaf kala dhaxeeyay uu Taliyaha u dilay iyo in uu ka tirsan yahay maleeshiyada Al Shabaab.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa uu ku dambeeyay masiirka ninkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay isla goobta ku dileen dembiilaha, halka warar kalena ay sheegayaan in ay gacanta ku hayaan, isagoo nool.

Allaha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa la sheegaya in la dilay, xilli uu abaabulayay ciidamada, si ay dib ugu laabtaan Degmada Awdheegle iyo Sabiid & Caanoole oo bishii hore ay Shabaabku dagaal ku qabsadeen.

Ciidamadan ayaa si firfircoon uga hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose, marka aad eegto inaanu dhaqdhaqaaqoodu ku badneyn gobolada kale ee dalka.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aasaastay ciidamadan, si loogu xusuusto dadkii faraha badnaa ee ku naf waayay qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlihn dilka Taliye Nuur Farey loogu gaystay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc