Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta hoobiyeyaal ku weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ay dad shacab ahi ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in illaa toban hoobiye ay gudaha ugu soo dhaceen degmadaasi, taasoo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hoobiyeyaasha qaar ka mid ah ay ku dhaceen guryo la deganaa oo ku yaala xaafadaha 21-ka October, Buulotiinka, aagga Buundada Afgooye iyo weliba suuqa degmadaasi.
Sidoo kale dadkii ku ganacsanayay suuqa weyn ee Afgooye iyo dadkii kale ee wax ka iibsanayay ayaa la sheegay in ay ku kala carareen, ka dib markii ay hoobiyeyaasha qaarkood ku soo dhaceen suuqaasi.
Illaa shan qof ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen hoobiyeyaasha lagu garaacay degmadaasi.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhinteen hoobiyeyaashaasi, nin kale oo sarkaal ahna uu ku dhaawacmay.
Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacantay madaafiicdaasi, kuwaa oo u badan dadkii ay madaafiicdu ugu taggeen guryahooda.
Wariyeyaash ayaa soo sheegaya in dadka faraha badan ee ku dhaawacmay madaafiicdaasi la geeyay goobaha caafimaadka ee degmada oo xaaladooda lagu la tacaalayo, inkastoo qaar ka mid ah oo dhaawacoodu uu culus yahay markii dambe loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaan wax war ah ka soo saarin weerarka hoobiyeyaasha ee lagu qaaday degmadaasi.
Hoobiyeyaashan ayaa lagu weeraray Degmada Afgooye, xilli uu gaaray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.
Dowladda Federaalka ayaa Sabtidii ciidamo u badan kuwa booliska u dirtay degmadaasi, ka dib markii Shabaabku ay toddobaadkii hore culeys soo saareen Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow.