Donald Trump, Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray qaybta kore ee dhegta midig, ka dib weerar u muuqday isku day dil oo Sabtidii loogu gaystay Gobolka Pennsylvania.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Mareykanka lagu furay rasaas, isagoo ka khudbadeynaya isu soo bax uu kaga qaybgelayay Magaalada Butler.
Dhaawaca Trump ayaa ah fudud, iyadoona ay xaaladdiisu tahay mid degan.
Afhayeenka ololaha Trump, Steven Cheung ayaa sheegay in Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga uu fiican yahay, haddana uu baaritaan ku marayo xarun caafimaad.
“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahadcelinayaa booliska iyo gurmadka degdegga ah ficilka degdegga ah ee ay qaadeen, intii uu socday falkan foosha xun.” Ayuu yiri Steven Cheung.
Ugu yaraan shan xabadood ayaa laga maqlay masraxii uu ka khudbadeynayay Trump, taas oo buuq iyo sawaxan ka abuurtay masraxa ku yaala galbeedka Pennsylvania.
Adeegga sirdoonka ayaa sheegay in ilaalada qarsoon ay dileen ninkii toogashada gaystay, ka dib rasaas ka soo dhacday meel dusha sare kaga beegan goobtii uu Trump ku sugnaa.
“Hal qof oo dadkii goobta ku sugnaa ah ayaa la dilay, laba kalena waa la dhaawacay. Si xun ayaa loo dhaawacay.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay adeegga sirdoonka.
Saraakiisha Butler ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la dilay ninkii toogashada gaystay, sidoo kalena uu dhintay qof shacab ahaa oo ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay ololaha Trump.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarka, waxaana uu ku baaqay in qof walba uu cambaareeyo weerarka loo gaystay Madaxweynihii hore ee dalkaasi.
“Qof walba waa inuu cambaareeyaa Weerarka. Rabshadaha noocaan ah meelna kuma lahan Mareykanka. Waa wax xun, waa wax xun.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.
Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, Kamala Harris iyo Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Barack Obama ayaa iyana cambaareeyay weerarka.
Trump ayaa waxaa goobta ka kaxeeyay ilaalada sirdoonka, isaga oo feer uu u duuban yahay, gacantana kor u taagaya.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa laga arki karay Trump oo goobta laga wadaayo, isagoo ay dhegta dhiigeyso.
Ilaalada ayaa sidoo kale goobta ka daadgureeyay dadweynihii ku sugnaa, sidoo kalena waxay ka saareen Wariyeyaasha, ka dib markii ay baqdin ka muujiyeen in weeraro kale ay halkaasi ka dhacaan.
Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay la wareegi doonto baaritaanka isku dayga dil ee Ex Madaxweyne Trump.
Merrick Garland, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ayaa sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee degmada galbeedka Pennsylvania iyo Wasaaradaha Amniga & Caddaaladda ay sidoo kale ka qayb qaadan doonaan baaritaanka.
Trump ayaa Magaalada Butler u tegay, si uu ugu ololeeyo loolanka uu ugu jiro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka dhaceysa dalkaasi.