Home Wararka Caalamka Trump oo ku baaqay in loo diyaargaroobo soo afjarista dagaalka Ukraine

Trump oo ku baaqay in loo diyaargaroobo soo afjarista dagaalka Ukraine

by Laacib

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky uu u diyaargaroobo inuu heshiis la galo Madaxweyne Vladimir Putin, si loo soo afjaro buu yiri dagaalka ku dhawaad saddexda sano ka socdo Ukraine.

“Waxaa loo baahan yahay in heshiis la galo.” Ayuu yiri Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, ka dib shir jaraa’id oo Isniintii uu ku qabtay Magaalada Palm Beach ee Gobolka Florida.

Waxa uu sheegay in uu arrinta nabadda kala hadli doono Putin iyo Zelensky, si loo afjaro dagaalka burburka weyn iyo dhimashada badan gaysanaya ee ka socdo dalkaasi.

Trump ayaa sheegay in uu ka xun yahay muuqaalada burburka ee ka imanaya Ukraine, isla-markaana uu daneynayo heshiis labada dhinac ay ku soo afjarayaan colaaddan.

“Waa in la joojiyaa dagaalka.” Ayuu yiri Trump oo xusay in sawirrada goobaha dagaalka ee dalkaasi ay soo xusuusiyeen qaar ka mid ah sawirradii foosha xumaa ee la qaaday, xilligii dagaalka sokeeye ee Mareykanka ee intii u dhaxeysay 1861-kii illaa 1865-kii.

Trump ayaa tilmaamay in ay jiraan magaalooyin badan oo ku burburiyay dagaalka Ukraine, isaga oo intaasi ku daray in dhulka lagu muransan yahay aysan ka jirin wax dhismayaal ah.

Trump ayaan si toos ah uga jawaabin su’aal la weydiiyay, oo ahayd in Ukraine uu ku khasbi doono in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad iyo in kale.

“Waxaan ula jeedaa waxaa jira magaalooyin aan dhismo ka jirin, waa goob la dumin karo.” Ayuu yiri Trump.

Baarlamaanka Ruushka ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2022 meelmariyay hindise uu Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka uu ku qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka. Madaxweyne Putin ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.

Donald Trump, Madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in ay hayaan qorshe horseedi kara heshiis wada hadal oo keenaya in dagaalka la soo afjaro, inkastoo aanu shaacin waxa uu qorshahaasi yahay, balse ay soo bandhigi doonaan marka uu xafiiska la wareego.

“Waxaan isku dayaynaa inaan joojino dagaalka. Dagaalkaas foosha xun ee u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.” Ayuu yiri Donald Trump.

“Dadka waxaa lagu dilayaa heerar aanu qofna arkin. Tirada askarta labada dhinac laga dilay ayaa ah mid aad u badan.” Ayuu yiri Trump oo ku andacoonaya in khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac uu ka badan doono, inta hadda laga warqabo.

Trump ayaa intaasi ku daray “Qof walba waa la dilayaa, waa xasuuqii ugu xumaa ee dunidan la arko, tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka, waana in la joojiyaa.”

Trump ayaa qaba in Kyiv iyo Moscow ay labaduba u baahan yihiin tanaasul, si loo joojiyo dhiigga daadanaya.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ballanqaaday in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.

Mareykanka waa dalka taageerada ugu badan ee militari siiya Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Ku dhawaad saddexdii sano ee ugu dambeysay ee dagaalkan uu socday, Kyiv ayaa taageero xoog leh ka heleysay Washington.

Ruushku ayaa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii dowladda dalkaasi uu ku eedeeyay inay xiriir dhow la yeelatay NATO iyo in dalalka isbahaysiga ay ku soo fideen xuduudihiisa, taas oo baalmarsan wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, ee ahayd inaysan xuduudihiisa ka soo ag-dhawaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc