Home Wararka Caalamka Trump oo sheegay in uu sameeyay wax cajiib ah, ka dib heshiiskii xabad joojinta Gaza

Trump oo sheegay in uu sameeyay wax cajiib ah, ka dib heshiiskii xabad joojinta Gaza

by Laacib

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiska Israel iyo Xamaas ay ku gaareen dalkaasi Qatar.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in 19-ka bishan ay xabad joojin ka dhaqangasho Marinka Gaza, iyadoo la bilaabayo in dhinacyadu ay maxaabiista is weydaarsadaan. Wejiga koowaad ee heshiiska ayaa horseedaya in Ciidamada Israel ay isaga baxaan qaybo ka mid ah Gaza, iyadoona la kordhinayo qulqulka gargaarka ee Gaza.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu ku ammaanan yahay heshiiskan, maadaama uu si dhakhsa ah ugu sameeyay in labada dhinac ay ku gaaraan xabad joojinta Gaza.

“Waxaa noo qabsoomay wax weyn, annagoo xitaa aan joogin Aqalka Cad.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraal.

Waxa uu sheegay in heshiisku uu ku yimid natiijadii doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bishii November ka dhacday dalkaasi.

“Bal qiyaas dhammaan waxyaabaha cajiibka ah ee dhici doona, marka aan ku laabto Aqalka Cad.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa ballanqaaday in heshiiska xabad joojinta Gaza uu bilow u noqon doono guulo waaweyn oo maamulkiisu uu xaqiijiyo.

“Maamulkayga si buuxda ayuu u xaqiijin doonnaa guulo badan oo Mareykanka uu ku suntan yahay.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa intaasi ku daray in tallaabadani ay tusaale u tahay caalamka oo dhan, sida maamulkiisu uu ugu samayn doono wada-xaajoodyo lagu xaqiijinayo nabadda dunida iyo badbaadada Mareykanka & xulafadooda dibadda.

Trump ayaa la eegaya marka uu xafiiska la wareego, sida uu wax uga qabto dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Guul-darrada Xisbiga Dimoqraadiga ka qabsatay doorashadii 5-tii November ee lagaga adkaaday Kamala Harris ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeysay, sida Maamulka Joe Biden uu uga gaabiyay wax ka qabashada colaadda Gaza iyo dagaalka Yurubta bari.

Trump ayaa u muuqday in ololihiisa doorashada uu kaga faa’iideystay xiisadda Bariga Dhexe, dagaalka Ukraine iyo carrada shacabka Mareykanka ay ka muujiyeen inaanu Aqalka Cad dhageysan baaqii ay kaga dalbanayeen in Israel laga joojiyo shacabka aan hubka wadan ee ay ku xasuuqeyso Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc