Home Wararka Caalamka Trump oo u yeeray Netanyahu, si uu uga la hadlo xaaladda murugsan ee Gaza

Trump oo u yeeray Netanyahu, si uu uga la hadlo xaaladda murugsan ee Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu toddobaadka soo socdo soo booqan karo dalka Mareykanka, xilli Israel ay sii kordhineyso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in Khamiistii uu khadka teleefanka kula hadlay Hoggaamiyaha Israel, isla-markaana uu rumeysan yahay in waqti dhow uu iman doono Mareykanka, laga yaabee toddobaadka ina soo aaddan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu Benjamin Netanyahu kala hadli doono xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza.

“Waxaan isku dayi doonnaa inaan xalino dhibaatada Gaza. Waxay ahayd dhibaato weyn oo muddo tobanaan sano soo jirtay.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa arrinta Gaza ku tilmaamay mid aad muhiim ugu noqon doonto wada hadaladooda.

“Waxay ku jirtay go’doomin sanado badan, waa ceeb. Dad badan ayaa ku dhintay Gaza, wax badan oo xun ayaa ka dhacay Gaza, waana arki doonnaa waxa aan ka qaban karno.” Ayuu yiri Trump.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Khamiistii booqasho ku tegay dalka Hungary, waana markii ugu horreysay oo cagta uu dhigo Yurub, tan iyo markii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ay bishii November soo saartay waaran lagu soo xirayo isaga iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa Hungary ugu baaqay inay xirto ninkaasi, isla-markaana ay u gacan geliso Maxkamadda ICC. Hungary waxay go’aansatay in ay ka baxdo ICC oo dalalka saxiixay ay ka mid ahayd.

Netanyahu ayaa bishii February booqday dalkaasi Mareykanka, isagoona noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee ajnabi ah ee Trump uu qaabilo, ka gadaal markii uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii January, waxayna Washington ay maxkamadda ku gacan seyrtay amarka lagu soo xirayo, inkastoo Mareykanku aanu markii horeba ka mid ahayn saxiixeyaasha maxkamadda.

Netanyahu ayaa loo haystaa dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadantinimada, isla-markaana ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Maxkamadda ayaa go’aankan soo saartay 21-kii bishii November, ka dib markii Ciidamada Israel lagu eedeeyay in ay xasuuq iyo dembiyo dagaal ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Baaritaanada madaxbannaan ee la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dagaalka Israel ee Gaza uu baalmarsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, kaasoo noqonaya dembi dagaal.

Israel ayaa laba toddobaad ka hor soo cusbooneysiisay weeraradeeda arxan darrada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka, ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad laba bilood.

Israel ayaa bil ka hor gebi ahaanba joojisay gargaarkii la gaynayay Gaza, iyadoo soo celisay amarada sida khasabka ah dadka looga barakacinayo guryahooda.

Qof kasta oo ka mida ah in ka badan labada milyan ee qof ee ku nool Gaza ayaa hadda halis ugu jira inuu dhinto, tanina waxay keentay qaylo dhaan caalami ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc