Home Dhacdooyin Ukraine oo markii ugu horreysay gantaalada Mareykanka ku garaacday gudaha Ruushka

Ukraine oo markii ugu horreysay gantaalada Mareykanka ku garaacday gudaha Ruushka

by Laacib

Ukraine ayaa markii ugu horreysay gantaalada ridada dheer ee dalka Mareykanka ku weerartay bartilmaameed ku yaala gudaha Ruushka, ka dib markii Madaxweyne Joe Biden uu Axaddii ogolaaday in gantaaladooda lagu weerari karo dalka Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa Talaadadii tiro ka mid ah gantaalada ATACMS ku weeraray Gobolka Bryansk ee xuduudda, si ay u beegsadaan xarun militari oo ku taala Magaalada Karachev.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Ukraine ay adeegsatay sideed gantaal, isla-markaana ay garaacday goob sahayda rasaasta ah, oo ay leeyihiin Militariga Ruushka.

Saraakiishan oo aan magacyadooda la sheegin ayaa Warbaahinta caalamiga u sheegay in nidaamka difaaca hawada ee Ruushka uu ka hortegay laba ka mid ah gantaaladaasi, isla-markaana ay Washington qiimeynayso khasaaraha weerarka.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in Ukraine ay lix gantaal oo nooca ATACMS ah ay ku soo weerartay gobolka xuduudda dhaca ee Bryansk, isla-markaana hannaanka difaacooda ay qabteen shan ka mid ah gantaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in tani ay calaamad u tahay mid ay reer galbeedku ku hurinayaan colaadda.

Wasiirka ayaa ka digay bilowga weji cusub oo dagaal ah, isagoona ku celiyay digniintoodii ahayd inaanan gantaalaha ridada dheer ee reer galbeedka lagu soo weerari karin dalkooda.

“Waxaan tani u qaadan doonnaa weji cusub oo dagaalka reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka, annaguna waan ka falcelin doonnaa.” Ayuu yiri Lavrov.

Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa horey uga digay in haddii gantaaladaasi lagu soo weeraro ay noqon doonto khad cas oo Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay ka soo gudbeen.

Weerarka ayaa imanaya, xilli xurgufta Ruushka iyo reer galbeedka ay gaartay meeshii ugu sarreysay, lagana cabsi qabo dagaal caalami ah.

Weerarkan ayaa lagu soo aadiyay, iyadoo Talaadadii shalay 1,000 maalmood ku buuxday muddada uu socdo dagaalka Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc