Home Wararka Maanta Ukraine oo sheegtay in ay burburisay markab dagaal oo Ruushku leeyahay

Ukraine oo sheegtay in ay burburisay markab dagaal oo Ruushku leeyahay

by Laacib

Ukraine ayaa sheegtay in ay burburisay mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Badda Ruushka, xilli uu ku sugnaa Badda Madow.

Sirdoonka Militariga Ukraine ayaa sheegay in markabka Sergey Kotov lagu bartilmaameedsaday meel u dhow Buundada Kerch ee isku xirta Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee Ukraine laga haysto.

Kyiv ayaa barraha bulshada ku baahisay muuqaal muujinaya markabka oo gubanaya, iyadoona sheegtay in weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Afhayeen u hadlay Sirdoonka Militariga Ukraine oo lagu magacaabo Andriy Yusov ayaa maanta sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac oo ciidamadii markabka la socday ah.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ruushku uu isku dayay inuu daadgureeyo ciidamadiisa, xilli ay jirto tiro dhimasho ah oo aan la cayimin.

Andriy Yermak, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in weerarku uu ka tarjumayo natiijada ka dhalatay qabsashada Ruushka ee qayb ka mid ah dhulka Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaan weli ka hadlin sheegashada Ukraine, ee ah in la burburiyay markabka Sergey Kotov.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Ukraine ay Badda Madow ku beegsato markab dagaal oo Ruushka uu leeyahay.

Ukraine ayaa billihii la soo dhaafay qaadeysay weeraro is daba joog ah oo ka dhan ah maraakiibta Ruushka ee hawlgalada ka sameynaya Badda Madow, isla-markaana hubinaya inaanan wax badar ah laga dhoofin Dekedaha Ukraine. Ciidamada Ukraine ayaana juhdi badani ku bixinaya, sidii ay go’doomintaasi u soo afjari lahaayeen.

Badda Madow ayaa isu bedeshay furin dagaal oo ay ku hardamaan labada dhinac, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc