Ururka Xamaas ayaa sheegay in Maamulka Israel aysan heli doonin amniga ay u baahan yihiin, illaa ay ka joojinayaan xasuuqa ay ka wadaan Marinka Gaza.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu bogaadiyay weerarkii gantaal ee ay Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen bartamaha Israel.
Ururka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaalka casriga ah ee ay ku weerareen Israel uu qayb ka yahay dadaaladooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.
Xamaas waxay sheegtay in weerarkan uu jawaab dabiici ah u yahay gardarrada Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.
“Waxaan u xaqiijinaynaa cadowga Sahyuuniyadda ah inaysan heli doonin ammaan ay ku raaxeystaan, illaa ay joojiyaan weerarada naxariis darrada ah ay ku hayaan shacabkeenna ku nool Marinka Gaza.” Ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Tel Aviv u sheegay inay la gudboon tahay in ay joojiyaan dhiigga ay daadinayaan, iyagoona muujiyay in dagaalkan aanay ku keli ahayn Falastiiniyiinta oo qura.
Xamaas waxay uga mahadcelisay Xuuthiyiinta, Xisbullah iyo kooxaha dalka Ciraaq taageeradooda shacabka Falastiin.
Xuuthiyiinta Yemen iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa si weyn uga soo horjeedo dembiyada Israel ka gaysaneyso Gaza, kuwaa oo wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta, inta Israel ay ka soo afjareyso maatida ay xasuuqeyso.
Ururadan ayaa ah kuwa ugu weyn gobolka ee isku dayaya in ay qori caaraddii ku joojiyaan dagaalka Gaza ee galay bishii 12-aad.
Xuuthiyiinta ayaa wiiqay dhaqaalihii Israel, ka dib markii ay go’doomiyeen dekedaha maamulkaasi, iyagoona marinada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku weeraraya maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda dekedahooda iyo cid kastoo la macaamisha, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.
Xisbullah ayaa sidoo kale caqabad amni ku noqotay Israel, waxa ayna si joogta ah weeraro ugu haysaa waqooyiga Israel.
Ka dib gantaalkii Hypersonic ee ay Xuuthiyiinta ku weerareen Israel, heerkulka gobolka ayaa ah mid sii kordhaya.