Home Wararka Caalamka Ururka Xamaas oo shuruud ku xiray sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ay hayaan

Ururka Xamaas oo shuruud ku xiray sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ay hayaan

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee weli gacantooda ku harsan, ka dib markii ay maanta sii daayaan maxaabiistii ugu dameysay ee lagu heshiiyay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.

Xamaas ayaa Sabtidan sii deysay lix maxbuus, iyadoona ku bedelatay in ka badan 600 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel, inkastoo Israel aysan weli sii deynin maxaabiistan Falastiiniyiinta ah.

Hazem Qassem oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in ururku uu diyaar u yahay dhameystirka wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta, balse ay ku xirayaan shuruud aan mabda’ ahaan laga gudbi karin.

Hazem Qassem ayaa tilmaamay in Israel ay ka doonayaan in ay isla qaataan xabad joojin joogta ah, in ciidamadeeda kala baxdo Marinka Gaza iyo inay xabsiyadeeda ka sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran.

Waxa uu sheegay in Xamaas ay ku gorgortameyso shuruudaasi isa saaran, haddii ay Israel diyaar u tahayna ay halmar sii deynayaan maxaabiista harsan.

“Waxaan diyaar u nahay hal hawlgal oo maxaabiista la isku dhaafsanayo.” Ayuu yiri Hazem Qassem, isagoo tani u sababeeyay in Israel ay marar badan isku dayday inay carqaladeyso heshiiska maxaabiis isweydaarsiga, iyadoo Xamaas u soo jeedineysa eedeymo aan sal lahayn.

“Waxay sameeyeen silsilado badan oo calaamad u ah inay fashilinayaan heshiiska maxaabiis isweydaarsiga.” Ayuu yiri Hazem Qassem oo Israel ku eedeeyay in ay Xamaas ku khasabtay in ay ka gudubto qorsheyaashii ay ugu talagashay sii deynta maxaabiista, sida inay 10-kii bishan ku dhawaaqaan inay hakinayaan sii deynta maxaabiista, ka gadaal markii ay Israel diiday in nooc kasta oo gargaar ah la geeyo Marinka Gaza, sidii lagu heshiiyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin daldaloolada ka muuqday is dhaafsiga maxaabiista, isagoona masuuliyadeeda dusha uga tuuray Israel.

Hazem Qassem oo sii hadlayay, si aanba Xamaas loo eedeyn ayaa wuxuu yiri “Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam wuxuu diyaar u yahay hal hawlgal oo maxaabiista harsan lagu wareejinayo, haddii Israel ay aqbasho xabad joojin buuxda, in ciidamadeeda kala wada baxdo Marinka Gaza iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelashadeeda.”

Warka Xamaas ayaa imanaya toddobaad ka dib, markii Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu baaqay in xukuumaddiisa ay Xamaas la gasho heshiis halmar lagu soo sii deynayo dhammaan maxaabiista.

“Netanyahu waxaan leeyahay aad Doha oo qof walbana gurigiisa ku soo celi.” Ayuu yiri Yair Lapid oo ka digay in qaabka hadda maxaabiista la isku dhaafsanayo ay halis ku tahay nolosha maxaabiista Israeliyiinta.

Lapid ayaa sheegay in sida Madaxweyne Donald Trump oo kale uu aaminsan yahay in halmar la soo sii daayo maxaabiista, bedelkii marba qayb la soo deyn lahaa.

Shacabka Israel oo ay ugu horreyan qoysaska iyo ehelada maxaabiista ayaa si diiran u soo dhaweeyay warka ka soo yeeray Xamaas, waxaase weli laga soo dhaweyn Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc