Home Wararka Caalamka Ururka Xisbullah oo ka digay in Israel ay ku xadgudubto wixii lagu heshiiyay

Ururka Xisbullah oo ka digay in Israel ay ku xadgudubto wixii lagu heshiiyay

by Laacib

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inaanan la aqbali karin in Ciidamada Israel ay sii joogaan koonfurta Lubnaan, wax ka badan muddadii lagu heshiiyay.

Xisbullah iyo Israel ayaa 27-kii bishii November ku heshiiyay xabad joojin soconeysa muddo 60 maalmood ah, si loogu gaaro xabad joojin dhameystiran. Heshiiska ayaa ogolanaya in Xoogaga Xisbullah ay 30km ka fogaadaan xuduudda labada dal, sidoo kalena Ciidamada Israel ay lixdan cisho uga baxaan koonfurta dalkaasi.

Heshiiska ayaa taageeraya in Ciidamada Lubnaan ay si buuxda ula wareegaan fariisimihii ay Xoogaga Xisbullah ku lahaayeen deegaanada koonfurta dalkaasi ee ku teedsan dhulka xuduudda, si xoogagaasi aysan dhibaato amni ugu noqonin waqooyiga Israel.

Xisbullah waxay sheegtay in haddii Militariga Israel aysan Axadda ka wada bixin dalkaasi ay ka dhigan tahay in Israel ay ku xadgudubtay heshiiskii labada dhinac.

Israel ayaa sheegeysa in ay u baahan tahay in la kordhiyo waqtiga ay ciidamadeeda ku sii sugnaanayaan koonfurta Lubnaan, soo jeedintaas oo Xisbullah ay ka hortimid.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa sheegay in dowladdiisu ay Madaxweyne Donald Trump kala hadleyso, si ay ugu qanciso in waqtiga loo kordhiyo ciidamadooda, ugu yaraan muddo bil ah.

Xisbullah ayaa xalay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanan la ogolaan karin in lagu xadgudbo wixii lagu heshiiyay, iyadoona Xukuumadda Beirut ku boorisay inay dalalka damaanadda qaaday hirgelinta heshiiska ku cadaadiso in heshiiska la fuliyo.

Xisbullah ayaa sheegtay in Ciidamada Lubnaan ay awood u yeesheen inay la wareegaan goobihii ay ku sugneyd, ayna tahay in dadka deegaanka ay dib ugu laabtaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada Israel, sida heshiiska ku cad.

“Waqti xaadirkan waxaan la socon doonnaa horumarka ay Israel ka sameyso xaaladdan, oo ay soo afjarto joogitaanka ciidamadeeda.” Ayay Xisbullah ku sheegtay bayaankeeda, iyadoona intaasi ku dartay “Ku xadgudubka heshiisyada iyo ballanqaadyada waxay noqon doonaan wax aan la aqbali karin.”

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ah labada dal ee ballanqaaday inay hubin doonaan in heshiiska si buuxda loo hirgeliyay.

Ali Fayyad oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbullah ku metela Baarlamaanka Lubnaan ayaa sheegay in haddii Israel ay ku guuldareysato in ciidamadeeda ay kala baxdo dalkaasi ay la macno tahay in la bilaabo weji cusub oo lagaga hortaayo qabsashada Israel ee dalkaasi.

Xildhibaan Fayyad ayaa Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA u sheegay in dowladda dalkaasi, shacabka iyo iska caabinta Lubnaan ay la gudboon tahay in dalka ay ka difaacaan cadowga, sida uu yiri.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar sii horreysay ku baaqay in la ixtiraamo heshiiska nabadda ee labada dal.

Xoghaye Guterres ayaa ka digay wax kasta oo carqaladeyn kara in xabad joojintu ay sii shaqeyso.

Xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ayaa looga dan lahaa in lagu soo afjaro dagaalka labada dal, loogana fogaado isku dhacyo dambe oo dhex mara Israel iyo Xisbullah.

Cabsida ugu weyn ee haatan jirta ayaa ah in uu dib u soo cusboonaado dagaalkii labada dhinac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc