Home Wararka Maanta Villa Somalia oo cadaadis ku haysa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Villa Somalia oo cadaadis ku haysa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in ay Taliska Militariga ku cadaadinayaan in muddo kooban lagaga takhaluso argagixisada isku ballaarineysa Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xafiiska ugu sarreya ee dalka uu si joogta ah ula xiriiriyo Taliyeyaasha & Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay ula yimaadaan qorsheyaal wax ku ool leh, isla-markaana keenaya in dib loo caabiyo maleeshiyada Al Shabaab ee xaaladda amni ka abuurtay bariga gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ahi u cadaadinayo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Inkastoo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu maalmahaanba ku sugnaa furimaha gobolkaasi, haddana Wasiir Jaamac ayaa la sheegaya in ay suurtagal tahay in uu iska xaadiriyo furimaha hore.

Saraakiisha Hoggaanka & Howlgalinta ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xeryaha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Muqdisho ku diyaarinaya ciidamo hor leh, oo lagu jiheynayo dagaalka ka furan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiishan ayaa waxaa suurtagal ah in ay Magaalada Kismaayo ka soo qaadaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, si loogu xoojiyo ciidamada dagaalka kaga jira Hirshabelle.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu qorsheynayo in toddobaadka bilaabanaya ay ciidamadu wax ka bedelaan xaaladda gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa ka shaqeynaya in miisaanka dagaalka uu u liico dhinaca kale, iyadoo la yareynayo dheelitirka awoodda furimaha.

Dhanka kale ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weydiisatay Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga in diyaaradahooda dagaalka ay si weyn hawada uga garaacaan Shabaabka Hirshabelle.

Duqaynta ayaa ciidamada ka caawineysa in ay dardargeliyaan hawlgalkoodii hakadka ku yimid ee ku wajahnaa deegaanada galbeedka ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa kuu sheegaya in maalmaha dhow ay aad u kordhi doonaan weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Khamiistii, Golaha Wasiirada ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan meel kasta oo Shabaabku ay ka ag dhow yihiin, si aysan waxyeelo uga soo gaarin duqaymo cusub oo laga fulin doono deegaanada ay ku sugan yihiin.

Weerarada Shabaabka kooxo kooxaha u socda ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dib u dhac ku keenay wejiga labaad ee hawlgalka militari ee billihii January iyo February ka bilowday labada gobol ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc