Israel ayaa walaaca ku kordhisay waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ee Ciidanka Difaaca Israel ee ka dagaalamaya Marinka Gaza, ka dib markii Wasaaradda Difaaca ay Arbacadii soo bandhigtay xog ku saabsan khasaaraha askarta.
Waaxda Baxnaaninta ee Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in 10,056 askari ay dhaawacmeen, tan iyo 7-dii bishii October, markaas oo colaaddan ay dib uga soo dhex cusboonaatay Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta.
“In ka badan kun askari ayaa bil kasta ku dhaawacma hawlgalka ka socda Marinka Gaza.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca oo lagu xusay in askarta qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah, kuwo kalena ay la tacaalanayaan xanuuno nafsiyan ah.
Warka laguma xusin tirada askarta ee ku dhimatay dagaalka ka socda Marinka Gaza. Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Militariga ayaa muddo dheer qarinayay xogta khasaaraha askarta, balse tirada faraha badan ee dhaawacyada ay markan qirteen ayaa doodo ka dhalisay gudaha Israel, waxayna walaac xoog leh ku abuurtay waalidiinta askarta.
Warbaahinta ayaa fahamsan inaanan inta badan meydadka si dhakhsa ah loo siiinin qoysaska, meydadkana la geliyo qaboojiyeyaal, balse qoysaska dib laga la wadaago dhimashada askarta, si ay u astaan. Maamulka ayaa ka cararaya in dadku ay ka caroodaan dhimashada faraha badan ee askarta, haddii si dhakhsa ah meydadkooda loogu wareejiyo xubnaha qoysaska.
Waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ayaa hadda walaac xoog leh ka muujinaya masiirka askarta ku maqan dagaalka.
Waalidiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda ee laga wareysanayo Warbaahinta maxaliga ayaa gebi ahaanba diidan in dagaalka la sii wado.
Waalidiinta askarta kuma qanacsana sii socoshada dagaalkan, iyagoo u arka mid aan natiijo lahayn, dano siyaasadeedna ay cid gaar ahi ka leedahay. Waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ayaa maamulka ku boorinaya in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza.
Waalidiinta iyo ehelada askarta ayaa si dhow ula socda muuqaalada ay kooxaha wax iska caabinta ku soo bandhigaan barraha bulshada ee ku saabsan askarta sida tooska ah loo tooganayo iyo gaadiidka gaashaaman ee la burburinayo. Dadka ayaa teleefanada isugu sheega, marka ay barraha bulshada ka arkaan askari ay garanayeen oo la dilay.
Waalidiinta iyo ehelada ayaa ka walaacsan dhiig baxa ku socda Ciidamada Militariga ee laga dagaal gelinayo Marinka Gaza.
Marka aad milicsato doodaha ka baxaya Warbaahinta gudaha ayaad arkaysaa in Israeliyiintu ay ku andacoonayaan in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka.
Ciidamadu waxay qudhoodu dalbanayaan in laga soo saaro Gaza, sababtoo ah wax niyad ah uma hayaan inay dagaalka sii wadaan.
Dhanka kale Magaalooyinka Israel ayaa waxaa weli ka soconaya dibadbaxyada ay sameynayaan qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, si aan halis loo gelin nolosha maxaabiista.
Dibadbaxayaasha ayaa maamulka ku cadaadinaya inay qaataan heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay, si la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu qafaashay weerarkii 7-dii October dib loogu soo celiyo guryahooda, iyagoo badqaba.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in dagaalkan uu walaac ku hayo dadka reer Gaza, kuwa Israel iyo qayb ka mid ah dadka ku nool Bariga Dhexe.
Lazzarini ayaa Israel iyo Xamaas ku booriyay in ay maqlaan shacabka, isla-markaana ay soo afjaraan colaadda.
Dagaalka ayaa Jimcahan galay maalintii 315aad, iyadoo ay socdaan dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Marinka Gaza.