Maamulka Israel ayaa sheegay in wafdigii ku metelayay wada hadalada dalka Qatar ay dib ugu soo laabteen Israel, iyagoo markaasi wadatashi la leh madaxda maamulkaasi.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay in dib u soo laabashada wafdiga ay ka dambeysay, ka dib markii ay yaraadeen dardargelinta xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.
Xafiiska Netanyahu ayaa Ururka Xamaas ku eedeeyay inaanay Israel ku soo wareejin liiska magacyada ee la haysteyaasha nool ee haatan lagu haysto Marinka Gaza.
War ka soo baxay Xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ay Xamaas ka dalbadeen inay soo gudbiso liiska la haysteyaasha nool iyo kuwa kale dhintay, si kuwa lagu heshiiyo la isugu weydaarsado wejiga koowaad ee heshiiska suurtagalka ah.
Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in Israel ay ka masuul tahay dib-u-dhaca ku yimid heshiiska xabad joojinta, ka dib markii ay sheegtay in Tel Aviv ay shuruudo cusub miiska la timid.
“Israel waxay la timid shuruudo cusub, kuwaas oo daahiyay in heshiis la gaaro.” Ayay Xamaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in shuruudaha Israel ay liddi ku yihiin ka bixitaanka ciidamadeeda ee Gaza, dalabyadii xabad joojinta ee la soo jeediyay, in dadkii Gaza ee la barakaciyay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.
Xamaas waxay sheegtay in shuruudaha cusub ee Israel ay ka tarjumayaan, sida Hoggaamiyaha Israel uu mar kale u diidan yahay dhameystirka heshiiska lagu joojinayo dagaalka, la iskuna dhaafsanayo maxaabiista.
Xafiiska Netanyahu oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay eedeymaha Xamaas, iyadoona qoraalka lagu xusay in Xamaas ay been sheegeyso, isla-markaana ay ka laabaneyso is fahamkii horey loo gaaray, ayna carqalado cusub ku abuureyso wada hadalada.
Eedeymaha ay Israel iyo Xamaas isu jeedinayaan ayaa imanaya, xilli labaduba ay maalmihii la soo dhaafay ay sheegayeen in horumar laga gaaray wareeggii ugu dambeeyay ee wada hadalada Doha.
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa Raysal Wasaare Netanyahu ku eedeeyay in uu dheereynayo waqtiga dagaalka, isagoo dantiisa gaarka ah ka hormarinaya sida uu yiri tan qaranka.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa isku dayaya in dhinacyadu ay ku soo laabtaan wada hadalada.
Israel ayaa la aaminsan yahay in aysan dooneyn in cid aan dalalkan ahayn ay arrintan dhexdhexaadin ka galaan, haddana aysan ixtiraameynin soo jeedintooda ku saabsan qaabka loo marayo heshiiska xabad joojinta iyo is weydaarsiga maxaabiista.