Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa jilbaha u laabtay weerar dhowr jiho leh oo maleeshiyada Al Shabaab ay saaka ku qaadeen fariisimo ay ciidamadu ku leeyihiin bariga Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada ayaa waaberigii hore weerartay fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanada Caddow Gurey, Beera-yabaal iyo aagga Aboorey ee duleedka Degmada Buuloburde.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay aagaggaasi ku dhex mareen dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana ay ciidamada si adag isaga caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in Shabaabka lagu khasbay in ay ka cararaan meydadka qaar ka mid ah kuwoodii dagaalka lagu dilay.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay dhowr iyo labaatan nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa sheegay in ciidamadu ay jebiyeen kooxaha argagixisada, isla-markaana ay weli baacsanayaan sida uu yiri firxadkoodii.

Ma cadda khasaaraha gaaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda, balse Gudoomiye Wehliye ayaa Shabelle u sheegay in ay khasaaraha dib ka soo faah faahin doonaan.

Deegaanadan ayay ciidamadu qabsadeen horaantii bishan, ka dib markii 27-kii bishii January uu gobolkaasi ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka. Ciidamada ayaa sidaan oo kale waxay bartamihii bishan ay hawlgalkooda ka bilaabeen gobolka kale ee deriska la ah ee Shabellaha Dhexe.

Weeraradan ugu dambeeyay ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu xalay ku hoyday jiidda bari ee Gobolka Hiiraan.

Shabaabka ayaa maalmihii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Hirshabelle, ka dib culeys ka soo fuulay hawlgalka dhulkaasi ka soconaya.

Shabaabka ayaa sidaan oo kale waxay Khamiistii weerar culus ku ekeeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kororka weerarada Al Shabaab ayaa jawaab u ah hawlgalka militari ee ka soconaya labadaasi gobol ee ujeedku yahay in lagu xoreeyo dhulka ay ka haystaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc