Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale saaka ka socdo duleedka deegaanka Aboorey ee bariga gobolkaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ayaa Talaadadii shalay weerar culus ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab oo 6-dii bishan qabsaday deegaankaasi oo hoostaga Degmada Buuloburde.
Ciidamada ayaa shalay jihooyin kala duwan ka weeraray Shabaabkii soo galay Aboorey, iyadoona ay saacado ka dib u suurtagashay in ay dib uga saaraan deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay saaka mar kale weerareen maleeshiyadasi, oo sida la soo sheegayo isku uruursaneysay bannaanada hore ee Aboorey.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo uu ka socdo dhulka fidsan ee dhaca Aboorey.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabul xoog leh u galay, sidii Al Shabaab looga saari lahaa Aboorey. Waxay ahayd wax iska cad in Aboorey lagu dagaalami doono, haddii aanay dib uga bixin Al Shabaab.
Walaac xoog leh ayaa laga muujiyay qabsashada Shabaabka ee Aboorey, maadaama uu ujeedkoodu ahaa in ay isku ballaariyaan deegaanka Yasooman, si ay u maamulaan waddada xiriirisa Yasooman illaa Degmada Maxaas, taas oo caqabad ku noqoneysay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Ma cadda khasaaraha uu gaystay dagaalka maalintii labaad ka socdo aagga Aboorey, waxaase la ogyahay in ay jiraan dad ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay oo u badan labada dhinac.