Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal la isku soo noqnoqday oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

Wararkii ugu dambeeyay dagaal la isku soo noqnoqday oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib dagaal faraha looga gubtay.

Maleeshiyada ayaa waaberigii hore ee saakay jihooyin kala duwan ka weerartay deegaankaasi, oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Hirshabelle iyo Macawiisleyda.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka uu ka dhacay dagaal la isku soo noqnoqday illaa saddex jeer, markii dambena ay Shabaabka ugu suurtagashay in ay si buuxda ugu la wareegaan.

Ilaha deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadu ay jilbaha u laabteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday, isla-markaana ay saacado xiriir ah ku mintidayeen, sidii ay u haysan lahaayeen.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Shabaabku abaarihii duhurka ay si buuxda gacanta ugu wada dhigeen deegaanka, dibaddana ay uga saareen ciidamadii ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay haatan ku sugan yihiin waddada Masaajid Cali Gaduud looga baxo dhanka bariga, ayna sugayaan in gurmad ay helaan.

Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo galabta Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in uu socdo hawlgal lagu baacsanayo sida uu yiri kooxaha Khawaarijta.

Shabaabka ayaa weeraray Masaajid Cali Gaduud, xilli Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ku sugnaa Degmada Cadale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay Caasimadda Muqdisho, isagoo ka carreysan waxa ka dhacay Masaajid Cali Gaduud.

Qabsashada Shabaabka ee Masaajid Cali Gaduud ayaa waxay guul darro istiraatiijiyadeed ku tahay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waana xilli Madaxweynuhu uu Cadale u joogay dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Weerarkan ayaa carro xoog leh ka dhaliyay barraha bulshada, waxayna dadka qaarkii ay ka niyad jabsan yihiin fadeexadda dowladda illaa bishii February ka haysatay inay horumar ka sameyso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tani waa natiijada ka dhalatay hakadka ay dowladdu horey u gelisay hawgalkii weynaa ee sida dardarta lahaa uga socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ee lagu la dagaalamayay Shabaab. Shabaabka ayaa sanadkii 2023 hawlgalkii bartamaha dalka kala kulmay cadaadiskii ugu weynaa ee militari oo markaasi lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen labadaasi maamul, waxayse wax walba is bedeleen sanadkii xigay.

Al Shabaab ayaa 2024-kii ka faa’iideystay hakadka ku yimid hawlgalkii lagu la dagaalamayay ee ka socday Gobolada Dhexe, taasoo keentay inay dib isu soo abaabulaan, culeysna ay soo saaraan deegaanadii xorta ahaa.

Mar kasta oo hawlgaladu ay hakadaan waa mar walba, oo ay dib u soo laba kacleeyaan weerarada Al Shabaab, sida ku xusan taariikhda.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalkan ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyadii dagaalamay ah, inkastoo aan faah faahin laga hayn inta uu gaarsiisan yahay. Shabaabka ayaa sidoo kale soo bandhigay dhowr askari oo sida ay sheegeen lagu qabtay dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc