Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Puntland iyo Daacishta Somaliya ayaa toddobaadkii labaad ku dagaalamaya Gobolka Bari, iyadoona Puntland ay isku dayeyso in ururka ay ka ciribtirto gobolkaasi.

Ciidanka Puntland ayaa maanta weerar ku qaaday fariisimaha ay maleeshiyada Daacish ku leeyihiin deegaano hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay sameynayso iska caabin, si ay u difaacdaan saldhigyada ay ku leeyihiin dhulka buuraha ee hawlgalka uu ka socdo, gaar ahaan Buuraleyda Calmiskaad.

Inkastoo dhulka uu hawlgalku ka socdo ay ka barakaceen inta badan dadkii deganaa, haddana dadka yar ee ku harsan ayaa soo sheegaya in maleeshiyada Daacish ay qoryaha boobayaasha la saaran yihiin dhulka buuraleyda, mararka qaarkoodna la maqlayo qaraxyo.

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen waddooyinka qarda-jeexa ee buuraha iyo diyaaradaha drones-ka ay adeegsanayaan aysan istaajin hawlgalka lagu xoreynayo dhulka ay ku sugan yihiin.

Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in hawlgalka uu yahay mid deegaanada Puntland looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

“Hawlgalka wuxuu hadda marayaa meel aad u fiican, illaa sideed saldhig oo waaweyn iyo 11 bar kontorool oo ummadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Puntlandba ay nimanku ku dhibaateen jireen bay ciidamadu qabteen.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen deegaano ay ka mid yihiin Dhabancaddo, Hoobato, Il iyo Cameyra.

“Il, Cameyra, Dhabancaddo, Hoobato iyo meelo kale oo tiro badan oo dhaca Degmooyinka Balidhidin iyo Iskushuban bay runtii ciidamadu ka qabteen dhul baaxad weyn.” Ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur.

Waxa kaloo uu yiri “Saakay oo kale ayaa waxay ciidamadu hore u sii socdeen dhowr iyo toban kiilo mitir. Illaa iyo intii ay ciidamada hawlgalka bilaabeen wax ka badan 200km bay hore u dhaqaaqeen. Ku dhawaad 100km baa nimankaasi laga sifeeyay meelihii lagu tuhunsanaa oo dhan, shaqo fiican baana ka socoto.”

Cabdifitaax Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay iska caabin kala kulmayaan kooxaha argagixsada, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada lagu soo weeraray saddex diyaaradood oo drones ah oo qaraxyo siday, balse sida uu sheegay ay ciidamada soo rideen.

“Ciidamadu waxay ku guuleysteen iyagoo waxba gaarin inay qarxiyaan, rag badana waa looga dilay meeshaas kooxihii argagixisada. Ciidamadu si fiican bay waajibkooda uga guteen nimankii xabadda kala horyimid.” Ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed oo intaa raaciyay inay xaqiijiyeen dhimashada 11 nin oo ajaaniib ah oo lagu dilay dagaalka maanta ka dhacay Calmiskaad.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaan sheegin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray dagaalka ugu dambeeyay ee Sabtidan dhacay.

Ciidanka Puntland ee hawlgalkan wada ayay xaruntoodu tahay Degmada Balidhidin, waana meesha la keeno meydadka iyo dhaawacyada askarta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc