Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka Puntland iyo Daacish

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sii wada dagaalka uu qorshuhu yahay in dalka lagaga saaro maleeshiyada Daacish, inkastoo ay caqabado la kulmayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland ay Sabtidii la wareegeen saldhiggii ay Daacish ku lahayd deegaanka Dararmadoobe ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, ka dib markii la sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay hawada ka garaaceen.

Raadiyaha Puntland ayaa sheegay in Dararmadoobe ay muhiimad weyn u lahayd Daacishta Somaliya, horeyna ay difaac adag uga sameysteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay maanta la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Curaar iyo Gaatir Oodan.

Ciidamada oo ku dhawaad saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa bartamaha Tog-jaceyl ee aagagga dhexe ee Calmiskaad ayaa ku howlan, sidii ay ugu gudbi lahaayeen dhinaca galbeed ee Camiskaad.

Ciidamada ayaa si gaabis ah isugu fidinaya buuraleydan, maadaama dhulka harsan ay aad Daacish ugu xoogan tahay.

Daacishta Somaliya ayaa galbeedka Calmiskaad ku leh difaacyadeeda ugu waaweyn oo ku yaala dhul ciriiri ah, isla-markaana ay u aragto meel ay mustaqbalka sii joogi karto.

Hawlgalka ciribtirka Daacish oo bishii labaad geba-gabo ku dhow ayaad arkaysaa in ciidamadu aysan weli gaarin dhulka buuraha badan ee aad mooddo in Daacish ay ugu talagashay inaanan si dhakhsa ah looga saarin.

Dagaalkan ayaa xoogeysan doono, haddii ciidamada ay u suurtasho in ay si buuxda ugu tallaabaan dhulka rafka ah ee ay Daacish ku uruursan tahay.

Buuraha adag ay Daacish ku jirto ayaa dagaalka ka dhigi kara mid daba dheeraada, oo waqti dheer ay suurtagal tahay in uu socdo.

Hawlgalka la dagaalanka Daacish ayaa maanta galay maalintii 54aad. Ma cadda waqtiga ay u baahan yihiin ciidamada, si ay dalka uga suuliyaan mintidiinta Daacish.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa toddobaadkan ku celiyay in hawlgalku uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo argagixisada Daacish.

Waa dagaalkii ugu cuslaa ee Ciidanka Puntland iyo Daacish ay foodda isku daraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc