Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Waxaa caawa degan xaaladda deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay saakay weerar culus ku qaadeen deegaanadaasi.

Maleeshiyada ayaa weerartay deegaanadaasi, wax yar uun ka dib, markii la tukaday Salaadda Subax, iyagoona weerarkooda ku bilaabay qaraxyo si weyn looga maqlay deegaanadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay si toos u beegsatay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Sabiid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Ciidanka Guutada 14-ka October oo lagu xoojiyay tiro ka mid ah Kumaandooska Gorgor ayaa deganaa xeradaasi, kuwaas oo saacado ka dib lagu khasbay in ay dib uga gurtaan.

Ka hor inta aysan Shabaabku deegaanka qabsan ayay jidka u galeen ciidan gurmad ahaa oo ka yimid dhinaca Degmada Awdheegle, waxayna qarax la beegsadeen gaari ay la socdeen ciidamo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee Guutada 14-ka October, Kabtan Maxamed Nuur (Jareere).

Abaanduulaha iyo dhowr askari oo kale ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha Militariga.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay jebiyeen kooxihii argagixisada ee soo weeraray Sabiid iyo Caanoole.

“Meydadkooda ayay meesha uga carareen, deegaankana hadda waa xasilan yahay, ciidankuna dhulka beeraha ah oo ay ku dhuunteen ayay ku sii daba socdaan.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta.

Alcadaala iyo Saraakiisha Ciidamada midna ma xaqiijin tirada askarta kaga dhimatay dagaalkaasi, marka laga soo tago sarkaalka iyo dhowrka askari ee ku dhintay qarax la dhigay waddada dhinaceeda, ha yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya in illaa toban askari ay ku dhinteen dagaalkaasi, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Dhanka kale waddada deegaanka Basra ee xiriirisa Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay duqayn la sheegay in lagu la bartilmaameedsaday xubno Shabaab ah.

Lama faah faahin waxa ay xubnahaasi yihiin, laakiin Dowladda Federaalka ayaa qoraal ku sheegtay “Ciidanka Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka waxay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, illaa laga suuliyo dalka oo dhan.”

Wasiir Alcadaala ayaa dadka rayidka ah ugu baaqay inay ka fogaadaan meel kasta oo maleeshiyada ay ku sugan tahay, si aysan waxyeelo uga soo gaarin, maadaama ay hadaf yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc