Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Raaskambooni

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Raaskambooni

by Laacib

Ciidanka Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Raaskambooni oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib dagaal saacado badan qaatay oo Arbacadii ay kula galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Inkastoo aan si sax ah loo aqoon cidda weerarka qaadday, isgaarsiinta deegaanka oo go’an awgeed, haddana labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka.

Wararka ka madaxbannaan dhinacyada ee laga helayo dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow Raaskambooni ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday agagaarka Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni, oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwii Jubbaland ee isa soo dhiibay ay fariisimo ku lahaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay Maqribnimadii xalay ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta garoonkaasi iyo guud ahaanba deegaanka, ka dib dagaal faraha looga gubtay.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka, ciidamadii ay Dowladda Federaalka ku soo daabushayna ay ka saareen.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda ay dib u gurasho sameeyeen, iyadoo laga hortagayo in dhiigga shacabka iyo ciidamadaba uu daato.

Hase yeeshee ilaha ku dhow dhow Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in ciidamada oo aad looga tira badnaa dagaal looga soo saaray deegaankaasi, isla-markaana ay jiraan askar dhaawac ah iyo kuwa kale oo gacanta lagu dhigay.

Wasiir Kuxigeenka Amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan askar uu sheegay inay isa soo dhiibtay, si wanaagsana ay ula dhaqmi doonaan.

“Dagaalkan in badan ayaan ka dignay, dagaal xaqdarro ah buu ahaa, waana ka xunahay runtii sida ay wax u dhaceen.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka oo intaasi ku daray “Ciidamo badan ayaa isa soo dhiibay oo gacanteenna ku jira. Ciidankaas Dowladda Jubbaland isu soo dhiibay dalkoodii bay joogeen, si nabadgelyo ah ayay saacaddan ku sugan yihiin.”

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in Jubbaland aysan ciidamadaasi u ciqaabi doonin dagaalka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa 25-kii bishii November bilowday inay ciidamadan gayso Raaskambooni, waana maalintii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ay dib u soo doorteen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladda Federaalka waxay xilligaasi sheegtay in ciidamada ay halkaasi u gaysay, sidii ay ula wareegi lahaayeen saldhigyadii ay ka baxeen Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaase taasi bedelkeeda si weyn uga horyimid Axmed Madoobe, oo sheegay in ciidamadaasi lagu doonayo in lagu burburiyo nidaamka dowliga ah ee ka jira Jubbaland.

Ka hor inta aysan Ciidamada Jubbaland la wareegin Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni iyo deegaankaba, ciidamadii halkaasi la geeyay ayaa ku firxaday dagaalka, waxaana jira qaar u galay Militariga Kenya ee fariisimaha ku leh xuduudda iyo askar kale oo la la’yahay, marka laga soo tago kuwooda isu dhiibay Jubbaland.

Ma jirto meel illaa iyo hadda la ogyahay oo ciidamada maqan ay ku sugan yihin. Ciidamadan ayaa tiradooda lagu sheegay tobanaan askari oo u badan kuwa Xoogga Dalka, waxaana xusid mudan in Raaskambooni ay ku taalo meel jasiirad ah, oo aysan ka fogeyn maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo gaaray, inkastoo aysan jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Dhanka kale Ciidanka Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland iyo cutubyo kale oo ka mid ah Ciidamada Jubbaland oo ku sugan Raaskambooni ayaa la sheegaya in saaka ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa baajinaya safar horey loo qorsheeyay oo lagu waday in Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay toddobaadkan ku taggaan Raaskambooni.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc