Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday deegaanka Aboorey uu maanta galay maalintii afaraad oo xiriir ah, xilli ay xaalad ciriir ah wajahayaan maleeshiyada Al Shabaab ee lagu la dagaalamayo deegaankaasi.

Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ayaa weerar culus ku haya maleeshiyada habeenkii Axadda qabsatay deegaankaasi oo hoostaga Degmada Buuloburde, kuwaas oo lagu go’doomiyay xaafad ka mid ah xaafadaha Aboorey.

Dagaalka ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii ka gudbay marxaladdii is riixriixa ahayd oo marba dhinac la soo riixayay, ka dib markii la jaray gurmadkii ay maleeshiyadu ka heleysay dhinaca deegaanka Jicibow ee jiinka Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr jeer la duqeeyay gurmad ay Al Shabaab soo marsiineysay dhulka hawdka ee deegaanka Beera-yabaal iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo marar kala duwan jidka u galay maleeshiyaad ku soo wajahneyd Aboorey, taasoo wax ka bedeshay xaaladdii goobta dagaalka.

Ciidamada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa jiho walba ka taagan goobta ay maleeshiyadu ku go’doonsan tahay, iyadoo aadna arkayso in xabaddu ay meel walba kaga socoto.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka dhex dagaalamayaan godad ay halkaasi ka qoteen iyo weliba dhismaha Masjid halkaasi ku yaala.

Ciidamada ayaa waxaa muuqato in ay diidan yihiin in maleeshiyada ay goobtaasi ka firxato, marka aad eegto in waddo walba ay ka soo xireen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan hawlgal ay ku soo afjaraan maleeshiyada.

Ma cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka Shabaabka lagu hareereysan yahay, oo aadba mooddo in ay Aboorey ku soo khaldameen.

Al Shabaab ayaa maleeshiyadeeda ugu soo dirtay Aboorey, si ay uga sii gudbaan deegaanka deriska la ah ee Yasooman, ka dibna ay ula wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas, taas oo u furan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Gobolka Galgaduud ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc