Waxaad mooddaa in uu sii xoogeysanayo dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.
Israel ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in hawlgal xadidan oo dhinaca dhulka ah ay ciidamadeeda ka bilaabeen deegaanada xadka koonfureed ee dalka Lubnaan, si loo burburiyo kaabeyaasha militari ee Xisbullah ku leedahay dhulka xuduudda.
Ciidanka Difaaca Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay xoog kaga gudbaan difaaca hore ee Xoogaga Xisbullah, si ay gudaha ugu galaan koonfurta dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xisbullah ay dadaal ugu jiraan, sidii aysan Ciidamada Israel uga soo tallaabi lahayn barraha ay ku leeyihiin xadka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Cirka Israel iyo kuwa madaafiicda goobta ay si weyn u garaacayaan deegaanada xuduudda ee koonfurta Lubnaan.
Militariga Israel ayaa kordhiyay farriimaha ay u jeedinayaan shacabka Lubnaan ee degan koonfurta iyo bariga dalkaasi, iyagoona ka dalbanaya in ay aad uga fogaadaan goobaha loo garan ogyahay Xisbullah.
Militariga ayaa shacabka u jeedinaya in aysan ka soo ag-dhawaanin kaabeyaasha militari iyo xarumaha ay leeyihiin Xoogaga Xisbullah.
Madaxda Israel ayaa sheegaya inay wax walba ku bixin doonaan, sidii shacabkoodii barakacay ay dib ugu soo noqon lahaayeen deegaanada waqooyiga Israel ee dhaca xuduudda.
Ururka Xisbullah ayaase wacad ku maray inaysan ogolaan doonin in Israeliyiinta lagu soo celiyo deegaanadaasi, illaa laga joojiyo dagaalka Gaza.
Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay sheegeen in dagaalka aanu keeni doonin in si khasab ah lagu soo celiyo shacabka labada dal ee ka maqan guryahooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken iyo Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell waxay labaduba sheegeen in xalka ugu wanaagsan uu yahay in khilaafka labada dal lagu xaliyo dhanka diblomaasiyadda.
Qorshihii xabad joojinta ee labada dhinac ayaa waxaa muuqata in uu burburay, marka aad eegto in Israel ay door bideyso in dagaalka ay ballaariso.
Ma cadda, sida Israel ay xoog ugu soo celin karto dadkeedii horey ugu barakacay xiisadda labada dal ee tan iyo 8-dii October ka jirtay deegaanada xuduudda. Israel iyo Xisbullah ayaa tan iyo xilligaasi ku lug lahaa gantaalo isaga gudba xuduudda.
Is dhaafsiga duqaymaha oo ku bilowday si teel teel ah ayaa billihii ugu dambeeyay ahaa kuwo xoogeysanaya.
Shacabka labada dal waxay dareemayaan cawaaqibka uu leeyahay dagaalkan, waxayna ka walaacsan yihiin in dagaalku uu daba dheeraado.