Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhacay Degmada Baardheere

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhacay Degmada Baardheere

by Laacib

Waxaa degan xaaladda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ka dib markii saakay ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Isku dhaca labada ciidan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ciidamo taabacsan Jubbaland ay Talaadadii la wareegeen Xarunta Degmada Baardheere.

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkii maanta, halka lix iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha dhanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay magaalada ka saareen ciidamadii kale ee ka soo horjeeday.

Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay ka hortaggeen koox qaswadayaal ah, oo fal arbushaad ka samayn rabay degmadaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in kooxdaasi oo uu soo abaabulay Madaxweynaha Jubbaland ay isku dayeen in ay xasillooni darro ka abuuraan degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee dhinaca Dowladda Federaalka, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa sheegay in xaaladdu ay haatan degan tahay, iyaguna ay gacanta ku hayaan magaalada.

Qorax ayaa sheegay in uu is bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray Gobolka Gedo, isla-markaana uu hadda gobolkaasi si buuxda u hoostagayo Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii u dambeysay wadday siyaasad ay ku kala furfureyso Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo, si gobolkaasi looga go’doomiyo Jubbaland inteeda kale.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayuu khilaaf xoogan kala dhexgalay bishii October, ka dib markii Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ka horyimid siyaasadda Villa Somalia ay dib doorashada loogu celinayo shacabka, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

Labada dhinac ayaa isku qabtay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo iyo in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka, tan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah, iyadoo uu maamulayo hal guddi.

Khilaafkooda ayaa meeshii ugu sarreysay gaaray, ka gadaal markii Axmed Madoobe 25-kii bishii November markii saddexaad loo doortay Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashadaasi oo ahayd mid dadban.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu ka baxay go’aamadii ay isla qaateen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu jiheynayay hannaanka doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka ayaa u muuqato mid ku guuldareysatay inay u kala dab qaaddo labada dhinac, ka dib markii dhinacyadu aysan muujin wax tanaasul ah.

Si kastaba ha-ahaatee Gobolka Gedo ayaa dhowr sano ka go’doonsanaa Dowlad Goboleedka Jubbaland, ka gadaal markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay qaadday tallaabo ay gobolkaasi kaga jareyso Jubbaland, ka dib doorashadii uu muranka hareeyay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 markii labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe.

Dowladda haatan jirta ayaa 26-kii bishii July ee sanadkii 2023 dib gobolkaasi u hoos gaysay maamulka uu fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo, iyadoona isu soo dhaweysay Jubbaland iyo siyaasiyiintii gobolka ee ka soo horjeeday.

Dowladdan ayaa wax ka yar laba sano ka dib dooneysa in gobolka ay mar kale hoos keento Villa Somalia, iyadoo markaasi culeys lagu saaro Jubbaland, si madaxdeeda ay u aqbalaan doorasho ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee daba-yaaqadii bishii November la ansixiyay.

Villa Somalia ayaa riixeysa in markii ugu horreysay, tan iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya uu guddigaasi dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah.

Puntland iyo danleyda kale ee siyaasadda dalka qaarkood ayaa horey uga horyimid qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso hirgelinta doorashadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc