Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda furinta waqooyi ee Gaza

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda furinta waqooyi ee Gaza

by Laacib

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta aya a weli ka socda jiidda waqooyi ee Marinka Gaza.

Dagaalkan ayaa ka socda deegaanka Jabalia, ka dib markii dhawaan Ciidamada Israel ay halkaasi ka bilaabeen hawlgal ay sheegeen in ay kaga sifeynayaan Xoogaga Ururka Xamaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ee gudaha ugu jira xerada qaxootiga Jabalia ay la kulmayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, saacad kastana ay weerar kala kulmayaan kooxaha abaabulan.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa weerarada ka soo qaadaya saldhigyada ay horaan ka sameysteen dhulka hoostiis.

Inta badan guutooyinka ay Israel soo gelisay Jabalia ayaa ah kuwo ku jira dhismayaasha, iyagoona dusha ka ilaalinaya ciidamadooda cagaf-cagafyada ku burburinaya dhismayaasha iyo goobaha ganacsi ee suuqa weyn ee Jabalia.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya inuu xadidan yahay dhaqdhaqaaqa Ciidamada Israel ee gudaha ugu jira dhismayaasha xerada Jabalia.

Taasi bedelkeeda waxaa aad u badan duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysanayaan bartilmaameedyada Jabalia, inkastoo aysan illaa iyo hadda hakin weerarada gaadmada ah ee lagu dhiig bixinayo ciidamadooda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha dagaalka ay sidoo kale beegsanayaan dadka yar ee ku go’doonsan Jabalia iyo dhulka ku xeeran.

Meydadka 40 qof ayaa Sabtidii shalay la geeyay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Magaalada Gaza, ka dib markii diyaaradaha Israel ay garaaceen dhismayaal ay dadka rayidka ah gabaadsanayeen.

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay hal weerar, waxayna dadku sheegayaan in Ciidanka Cirka Israel ay weerarayaan rayidka, mar kasta oo ciidamadooda la soo hujuumo, taangiyana laga gubo.

Guutooyinka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam oo adeegsanaya gantaalka garabka laga tuuro ee Al-Yassin 105 ayaa faro kulul ku haya taangiyada Militariga Israel. Maalmihii ugu dambeeyay ayay Jabalia uga gubeen taangiyadii ugu badnaa, taas oo muujisay in iska caabintu ay weli tahay mid xoogan.

Tobanaan taangi iyo gaadiid kale ayay kooxaha wax iska caabinta ku burburiyeen xerada qaxootiga ee halkaasi ku taala ee ay soo hujuumeen.

Xerada Jabalia ayaa ah tan ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa mar sii horeysay sheegtay in 100,000 oo qof lagu khasbay in ay ka cararaan waqooyiga Marinka Gaza.

UNRWA ayaa sheegtay inay aad isu soo tareyso tirada dadka rayidka ah ee ka baxsanaya furimaha cusub ee ay Israel ka bilowday Marinka Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digaya masiibo ba’an oo bani’aadantinimo, haddii aysan Israel joojin dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayso dadka rayidka ah, isla-markaana aysan ogolaan inay Gaza soo galaan gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Iyadoo maalmahaanba ay Jabalia ahayd furinta ugu weyn ee dagaalada ka socda Marinka Gaza ayaa waxaa ku kordhay furinta kale ee ay Israel ka furtay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Rafah waa aaggii ugu weynaa ee bani’aadantinimo ee ku yiilay Marinka Gaza, halkaas oo hoy u ahayd 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Tirada dadka rayidka ah ee ka baxsanaya colaadda Rafah ayaa ah mid aad u badan, waxayna Qaramada Midoobey sheegtay in tan iyo 6-dii bishan ay halkaasi ka barakaceen 800,000 oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc