Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacantay, markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqayn la beegsadeen teendhooyin ay degan yihiin qoysaska barakacayaasha oo ku yaala barxadda Isbitaalka Al-Aqsa ee deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.
Dadka dhaawacmay oo si xun ugu gubtay weerarka ayaa lagu daweynaya isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in weerarku uu sababay dab weyn oo ka kacay goobta, isla-markaana uu baabi’iyay teendhooyin badan, burburna uu ka soo gaaray qaybo ka mid ah isbitaalka.
Dr. Mohammed Tahir oo ah dhakhtar qaliin oo ka hawlgala Isbitaalka Al-Aqsa ayaa sheegay in ay tahay wax aan caqli gal ahayn in si xun loo weeraro isbitaal.
Militariga Israel ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayeen xubno ka tirsan kooxaha wax iska caabinta oo ku dhex dhuumanayay dadka rayidka ah, warkaas oo aysan jirin cid xaqiijin karta.
Weerarka ayaa yimid, ka dib markii Israel ay weerar kale oo 22 qof ay ku dhinteen oo 15 ka mid ah carruur ahayd ay ka gaysatay dhisme iskuul oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza. Dhismahan ayaa waxaa gabaadsanayay qoysas Falastiiniyiin ah oo soo barakacay.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta duqeeyay iskuul ay dadka barakacayaasha deganaayeen oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in dhowr qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday Dugsiga Hafsa ee Jabalia.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa daqiiqado ka dib qortay in Ciidanka Cirka Israel ay duqeeyeen xaafadda Sheikh Radwan ee Gaza, lana dilay ugu yaraan sideed qof, kuwo kaloo fara-badana ay dhaawacmeen.
Dhanka kale Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay 10 maalmood oo duqaymo xiriir ah oo Israel ay ka waddo waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona xanibtay gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay waqooyiga Marinka Gaza oo dhan.
Ciidamada Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa ku dagaalamaya waqooyiga Marinka Gaza, iyada oo Israel ay uga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa war uu maanta soo saaray ku sheegay in duqaymaha Israel ay tobanaan kun oo dad rayid ah ay ku xanibeen guryahooda, iyagoo aan haysan meelo ay uga baxaan, isla-markaana ay dadkaasi soo food saartay cunto iyo biyo la’aan.
“Ciidamada Israel waxay u muuqdaan inay waqooyiga Gaza ka gooyeen gebi ahaanba inta kale ee Marinka Gaza, waxayna sameynayaan colaad iyaga oo aan tixgelin buuxda u lahayn nolosha iyo ammaanka ee rayidka Falastiiniyiinta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey.
Xogaha ay Warbaahinta helayso ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay rasaaseynayaan dadka rayidka ah ee ka baxsanaya xaaladda ciriiriga ah ee ka jirta qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa dhalleeceynaya tallaabada Israel ay sanad ka dib ku xoojisay go’doomintii ay muddada dheer ku haysay Marinka Gaza.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in Ciidamada Israel ay jareen waddooyinka muhiimka u ah in laga baxo xaafadaha waqooyi ee Marinka Gaza, waana xilli aysan dadka rayidka ah siineyn fursado ay ku banneeyaan aagagga colaadda.
Xaaladda ugu adag ayaa laga soo sheegaya xerada qaxootiga Jabalia. Xeradan ayaa ah tan ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza, waana xero u dhisan sida xaafad oo kale.
Israel ayaa ciqaab wadareed ku sameynaysa dadka rayidka ah, xilli ay ku andacooneyso inay dagaal kula jirto Ururka Xamaas.