Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa weli qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona hawlgalka gobolkaasi uu maanta galay maalintii 11aad.
Ciidamada ayaa ku foogan hawlgalkoodan oo haatan ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayaan dhulka dhaca bariga Webiga Shabelle.
Ciidamada ayaa si taxadar badan uu ka muuqdo isugu fidinaya webiga jiinkiisa, iyadoo meelaha qaarkoodna laga soo sheegayo in ay iska caabin kala kulmayaan maleeshiyada Shabaabka.
Ciidamada dhaqdhaqaaqa ka wada aagga deegaanka Jicibow oo hoostaga Degmada Buuloburde ayaa ah kuwo culeyska ugu badan kala kulmaya hawlgalkan.
Shabaabka ku sugan dhulka hawdka ee dhaca Jicibow ayaa maalmahaanba dib u caabinayay ciidamada ku soo wajahan deegaankaasi.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay jiidda hore ayaa sheegay in jab la gaarsiiyay cadowga, dhul ballaaran ay kala wareegeen.
Taliyaha oo wax ka hoggaaminaya hawlgalkan ayaa sheegay in natiijada hawlgalkoodan la arki doono maalmaha ina soo aaddan.
“Cadowga firxadkooda ayaa meel walba maraya oo hadda laga war hayaa, waana hawlgal israacsan oo Khawaarijta uga dhameystirayno wadanka.” Ayuu yiri Taliyaha.
Dhanka kale ciidamo cusub ayaa lagu abaabulay deegaanka Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas, kuwaas oo u badan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan loo diyaariyay in ay xoojiyaan difaaca ciidamada ku sugan xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Galgaduud, si looga hortago in Shabaab ay gurmad ka helaan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur.
Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan furimaha hore ayaa ku celceliyay in hadafka hawlgalkan uu daaran yahay, sidii Gobolka Hiiraan looga suulin lahaa Shabaab.
Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa mar sii horreysay sheegay in dalku aanu wax xasillooni ah heli doonin, inta qayb ka mid ah ay ku sugan yihiin Shabaabka hubeysan.
Jeyte ayaa sheegaya in waxa laga sugaa uu yahay gobolka oo xor ka ah kooxaha argagixisada, kaas oo fure u noqonaya in dalka intiisa kalena laga xoreeyo.
Shabaab ayaa sanado badan Somaliya ka waday dagaalo ay ku doonayeen in ay meesha uga saaraan Dowladda Federaalka oo si weyn ay uga soo horjeedaan.
Horaan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hanjabay in dowladdiisu ay ka takhalusi doonto Al Shabaab, ka dib 18 sano oo dalka ay ka dagaalameysay.