Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ka bilowday Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ka bilowday Gobolka Hiiraan

by Laacib

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa u muuqdo mid dib boorka uga jafaya gulufkii militari ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayay gobolkaasi.

Ciidanka Xoogaga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa Isniintii weerar ku qaaday meelaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada xiriirisa Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka uu ku fiday dhulka hawdka ee deegaanka Beera-yabaal, iyadoona uu hawlgalkan hoggaaminayo Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda, kaas oo ay ku wehlinayaan xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay shalay dagaal culus la galeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Shabaabka, oo sida la sheegay ka soo gudbay daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Qaraxyo waaweyn ayaa shalay illaa xalay laga maqlayay deegaano hoostaga Degmada Buuloburde, isla-markaana dhaca nawaaxiga jiinka webiga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay in dagaalka jab xoogan lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Gudoomiyaha ayaa qoraal xalay ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in dagaalka lagu dilay illaa 50 nin oo ka tirsan maleeshiyadaasi. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku aanu joogsan doonin, illaa Shabaab laga ciribtiro gobolka.

Labada ciidan ayaa wada hawlgal maleeshiyada Shabaabka lagaga sifeynayo deegaanada ku dhow dhow webiga jiinkiisa.

Hawlgalka ayaa u muuqdo mid bilow u ah istiraatiijiyadda dagaal ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu xoreynayo galbeedka Gobolka Hiiraan.

Qorshaha dagaal ee militarigu uu dejiyay ayaa ah in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay u tallaabaan daanta galbeed ee webiga, halkaas oo Shabaabka ay kaga xoogan yihiin gobolka.

Ciidamada is garabsanaya ayaa wejigii koowaad ee dagaalka ku qabtay deegaanada bariga gobolka, inkastoo Shabaabku ay dib ugu soo laabteen deegaano fara ku tiris ah oo dhaca bariga gobolka, kuna yaala webiga jiinkiisa.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in hawlgalku uu bilowday, isagoona shacabka reer Hiiraan ugu baaqay in kaalintooda ay ka soo dhalaalaan, sidii horeyba looga bartay, sida uu yiri.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa muddooyinkanba deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ka waday abaabul ciidamada loogu jiheynayo dhulka ay Shabaabku kaga harsan yihiin labadaasi maamul.

Wejigii koowaad ee hawlgalka ayaa lagu wiiqay awooddii Shabaab ee Galmudug iyo Hirshabelle, inkastoo uu hawlgalku istaagay, ka dib markii Villa Somalia ay ku mashquushay wax ka bedelka Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Wejiga koowaad ee hawlgalka ayaa bishii September ee sanadkii 2022 ka bilowday Gobolka Hiiraan, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug. Hawlgalkaas oo laf dhabar uu u ahaa Cali Jeyte ayaa laga bartay in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaabka hubeysan, haddii si dhab ah loo wajaho.

Fallanqeeyeyaasha iyo khubarada amniga ayaa xilligaasi sheegay in Shabaabku aysan ahayn sidii la moodaayay, ka dib muddo dheer oo dalka ay ka dagaalamayeen.

Jeyte ayaa marar badan Warbaahinta ka sheegay in Shabaabku aanay sii dagaalami karin, haddii dadku ku dhiiradaan inay la dagaalamaan, isla-markaana ay go’aansadaan inay iska dul qaadaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc