Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa hawlgal ballaaran ka wada deegaanada bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanadii ay maleeshiyada Al Shabaab dhawaan ku soo fideen.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maalmo ka hor banneysay deegaanada qaar, halka kuwa kalena la soo sheegayo in weli ay ku sugan yihiin.
Ciidamada ayaa Arbacadii shalay weerar ku qaaday deegaanka Lamagaras (Labagaras) ee duleedka Degmada Cadale, kaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay 5-tii bishan la wareegeen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Danab ay weerar culus ku ekeeyeen maleeshiyada, oo sida la sheegay dhuceysyo ka qodatay deegaankaasi. Ciidamada ayaa la sheegaya in maleeshiyadaasi ay dibadda uga saareen deegaankaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyadu aysan ka fogeyn deegaankaasi, ciidamadana ay ka horjoogaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada ay wax u muuqdo hawlgal sifeyn ah ka wadaan inta u dhaxeyso Magaalada Jowhar iyo deegaanka Biyacadde.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaanka War Ciise, oo isku xiro Jowhar iyo Degmada Raage Ceele.
Qorshaha ayaa waxaa qayb ka ah in dagaal-yahanada Al Shabaab laga fogeeyo Degmooyinka Raage Ceele iyo Cadale oo dhaca dhinaca xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Raage Ceele oo kale waxay saaran tahay waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa kala socda halka ay wax marayaan, isagoona warbixino ka helaya saraakiisha ku sugan furimaha hore.
Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo gobolka u jooga dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Waxa ku cusub hawlgalkan ayaa ah in Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) uu wax ka hoggaaminayo gulufka weyn ee la doonayo in lagu burburiyo Shabaabka Hirshabelle.
Ciidamada Qalabka Sida oo fulinaya istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga ayaa waxaa la leeyahay waxay hubka u sitaan, sidiii Shabaabka looga soo geba-gabeen lahaa deegaanada Hirshabelle.
Shabaabka ayaa waxaa muuqato in ay isku dayayaan inay carqaladeeyaan hawlgalkaasi, marka aad eegto weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa Talaadadii weerar ku gashay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii beesha degta galbeedka Beledweyne ay bilowday abaabul ay isugu diyaarineyso ka qaybgalka wejiga labaad ee hawlgalka.
Ciidamada ayaa hadda culeys saaraya deegaanada ay Shabaabku ka haystaan Gobolka Shabellaha Dhexe, si la mid ahna ay ugu ballaarin doonaan Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegaya in dadku ay is bedel weyn ka arki doonaan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guluf weyn ku kicinaya Shabaabka ka hawlgala gobolkaasi.
Dowladda ayaa Gobolka Shabellaha Dhexe gaysay ciidamadii ugu badnaa ay gobol gayso, intii dagaalka lagu la jiray Al Shabaab.
Labada gobol ee Hirshabelle ayaa xudun u ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, waana sababta Shabaabku ay muddooyinkanba u soo kubaareeyeen.