Israel ayaa sii waddo weeraradeeda sida aan kala sooca lahayn ugu leynayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa si saf mareen ah u garaacaya qaybaha ay ka kooban tahay Marinka Gaza, iyadoona ay duqayntu gaartay bugcad kasta oo Gaza ah.
Weerarada xagga cirka Israel oo toddobaadkan noqonaya mid ka mid ah toddobaadyadii ugu darnaa ee soo mara dadka reer Gaza ayaa waxay sidoo kale si weyn ay u saameeyeen Xarumaha Qaramada Midoobey, oo qayb ka ah goobaha la bartilmaameedsanayo.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegtay in Israel ay toddobaadkan oo keliya garaacday sideed goobood oo gacanta ay ku haysay, dad rayid ahna ay ku la’deen.
UNRWA waxay sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka, tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay xarumaheeda ay gaarayaan 539 qof, kuwaa oo halkaasi gabaad u soo raadsaday.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii ee la soo dhaafay ay duqaymaha Israel ku dhinteen 81 qof oo shacab ah, 198 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay jiraan dad fara-badan oo ku waxyeeloobay duqaymaha, haddana ay adag tahay in la geeyo goobaha caafimaadka, sababtu tahay kooxaha gurmadka oo la weerarayo.
Iyadoo Israel ay qiil ka dhiganeyso inay la dagaalameyso kooxaha wax iska caabinta ayaa waxaad arkeysaa inay ka gudubtay khadka cas ee bani’aadantinimada, bacdamaa ay si ula kac ah u beegsaneyso shacabka aan hubeysneyn, isla-markaana ay u diidan tahay hoy iyo inay harsadaan, waana xilli ay weli ka hortaagan tahay raashiinka iyo sahayda dawada.
Nooca dagaal ee Israel ka waddo Marinka Gaza, waa waxa ay dunidu u taqaano ciqaab wadareed, kaasoo liddi ku ah shuruucda caalamiga ah.
Dagaalka 10-ka bil jirsaday ayaa waxaa la leeyahay Israel weli kama aysan mira-dhalin hadafyadeedii hawlgalada militari, haddii iska caabinta dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay tahay mid aan la jebin.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadan sheegtay in muddada uu dagaalku socdo ay Israel dishay 38,794 qof, halka 89,360 kalena ay dhaawacday.
Marka laga soo taggo dhimashada faraha badan rayidka ee la diiwaangeliyay ayaa waxaa jira illaa 10,000 oo qof, kuwaa oo lagu waayay dagaalka.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa tuhunsan in dadkaasi ay ku hoos jiraan burburka dhismayaashii la burburiyay. Haddii tani la xaqiijiyo waxay dhimashada rayidka ka dhigeysaa ku dhawaad 50,000 oo qof.