Hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada bariga Gobolka Hiiraan ayaa weli ka soconaya hareeraha Webiga Shabelle ee gobolkaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa labada dhinac ka jooga duleedka deegaanka Jicibow, iyadoo qaybtooda ugu xoogan ay ka soo hujuumayaan dhinaca duleedka Degmada Halgan, halka qaybtooda kalena ay weerar kaga soo hayaan dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya Beera-yabaal iyo Jicibow.
Dagaalka ayaa Sabtidii iyo Axaddii si goos goos ah uga socday furimaha hore, iyadoo ciidamadu ay yareeyeen dardartii ay bilowgii ku socdeen.
Maadaama ciidamadu ku sii dhawaanayaan dhufeysyada Al Shabaab iyo godadka ay difaaca kaga jiraan ayaa loo maleynaya inay xakameysay xawaarihii ay ku socdeen.
Dhulka lagu dagaalamayo ayaa leh geedo badan iyo buuro. Shabaabka ayaana difaacooda hore ku leh dhulka hawdka, ka hor difaaca ay ku leeyihiin afaafka hore ee Jicibow.
Saraakiisha Ciidamada ayaa kuu sheegaya in maleeshiyadu ay rasaas ka soo tuureyso dhulka jiqda ah, isla-markaana ay la tacaalayaan.
Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib, G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa sheegay in duqayn xagga cirka ah ay ku bilaabatay Shabaabka wax ka soo tuuraya hawdka.
Taliyaha oo ku sugan jiidda hore ayaa ciidamada u sheegay in ay hore u sii socon doonaan, marka ay duqayntu istaagto.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa si aan horey loo arag isugu dayaya in ay u difaacdaan gacan ku haynta deegaankaasi, oo hadda ah deegaanka ugu weyn ee ay ka joogaan bariga gobolka.
Ciidamada ayaa sanadkii 2023 muddo kooban kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, ka dib dagaal dhowr cisho socday, inkastoo billo ka dib ay ciidamadu dib u soo banneeyeen, taasna ay Shabaabka ka caawisay inay ku soo laabtaan.
Shabaabka ayaa bilowgii hawlgalkan u muuqday kuwo isaga baxaya Jicibow, ka dib markii duleedyadeeda ay ka dhaceen weeraro xagga cirka ah. Shabaabka ayaase markii dambe bilaabay inay dib u soo xoojiyaan difaacyadooda, sababtu tahay duqayntii oo hakatay amaba istaagtay, walow saacadihii dambe ee Jimcihii ay duqayntu dib u bilaabatay.
Hadda oo duqayntu ay soo cusboonaatay ayaan la aqoon, sida ay maleeshiyadaasi uga xeeladeysan doonto.
Duqaynta ayaa ciidamada ka caawineysa in Shabaabka laga saaro dhulka hawdka ah iyo buuraha ay difaaca kaga jiraan. Difaaca ay Shabaabku halkaasi ku leeyihiin ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ciidamada horgudban.
Dagaalkii cuslaa ee Jimcihii halkaasi ka dhacay ayaa dib laga ogaaday in ciidamada looga dilay askar badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Hawlgalka sifeynta ee webiga jiinkiisa ayaa 27-kii bishii hore ee January ka bilowday gobolkaasi, waana hawlgalka ay saraakiishu sheegeen in lagu xoreynayo gobolka oo dhan.
Xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa waxay fure u noqon doontaa in dalka intiisa kalena la xoreeyo, sida uu sheegay Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka oo xudun u ah hawlgalkan.