Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Israel ay ballaarisay hawlgalka militari ee ay ciidamadeeda Talaadadii ka bilaabeen Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu dhowr guuto geeyay magaaladaasi, isla-markaana ay diiradda saarayaan xerada qaxootiga Jenin iyo deegaanada ku xeeran.
Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan hawlgal ay xeradaasi kaga sifeynayaan, waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada ee ku sugan.
Ciidamada Israel ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala xeradaasi, ka hor inta aysan qaybtood maalin ka hor bilaabin in ay gudaha u galaan xeradaasi. Israel ayaa magaalada ka jartay adeeggii biyaha iyo korontada, iyadoona saamaynta ugu badan laga dareemay goobaha caafimaadka.
Cagaf-cagafyada Ciidamada Israel iyo kuwa wax qoda ayaa burburiyay guryo iyo waddooyinka qaar ee Jenin.
Jimcihii, rasaasta ayaa is qabsatay xerada, iyadoona la maqlay qaraxyo ka dhashay miinooyin iyo duqaymo ay halkaasi ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel.
Kooxaha wax iska caabinta ayaa sheegay in ay burburiyeen tiro ka mid ah gawaarida Ciidamada Israel, ka dib markii ay la beegsadeen miinooyin ay horey ugu sii diyaariyeen hareeraha waddooyinka.
Uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareertay meelo ka mid ah xaafadda Al-Hadaf ee xerada, xilli gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel ay isku dayayeen inay ka gudbaan.
Militariga Israel ayaa sheegay in Jimcihii ay dileen in ka badan 10 nin oo ka tirsan kooxaha hubeysan, isla-markaana ay soo xireen 20 kale oo la tuhunsan yahay. Militariga ayaa qoraal ku sheegay in ay la wareegeen hub iyo saanad kale, intii uu socday hawlgalka Jenin.
Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka jawaabaya awaamiirta Militariga Israel ee ku aaddan in ay halkaasi banneeyaan.
Qoysas fara-badan ayaa la arkayay iyagoo lugeynaya oo isaga baxaya xaafadaha xerada qaxootiga. Dadkan ayaa garowsaday in aysan haysan waddo aan ahayn in ay ka cararaan dagaalka lagu soo fidiyay deegaanadooda.
Qoysaska barakacayaasha ayaa sheegay inaysan garaneyn goorta loo ogolaan doono in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay u sheegeen in ay ku soo laaban karaan muddo 7 maalmood ah. Qaar kale ayaa sheegay in ciidamada ay u sheegeen inaysan soo laaban karin gebi ahaanba.
Falastiiniyiinta ayaa ka walaacsan in Israel ay u socoto inay xoog kula wareegto guryahooda, sidii horeyba uga dhacday qaybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed.
Israel ayaa hawlgalka Jenin ugu magac-dartay (Hawlgalka Darbiga Birta), oo xeradaasi lagaga sifeynayo sida ay sheegtay kooxaha hubeysan.
Xerada qaxootiga Jenin ayaa ku taala dhul fidsan oo luuqyo ciriiri ah, halkaas oo in muddo ahba ay ku soo xoogeysanayeen kooxaha wax iska caabinta.
Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Israel Katz ayaa sheegay in Tel Aviv ay sii wadi doonto hawlgalka ciribtirka argagixisada iyo burburinta kaabeyaashooda Jenin.
Wasiirka ayaa xoojiyay warka militariga ee la xiriira in ay hubinayaan in kooxaha hubeysan aysan dib dambe ugu soo laaban Jenin, marka uu dhammaado hawlgalka.
Israel ayaa bilowday hawlgalkan laba maalmood uun ka dib, markii Gaza ay ka dhaqangashay wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.