Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socdo dhulka dahabiga ee Gobolada Dhexe

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socdo dhulka dahabiga ee Gobolada Dhexe

by Laacib

Hawlgalka dhowr cisho ka hor ka bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ayaa u muuqdo mid sii xoogeysanaya, iyadoona ciidamadu ay Sabtidii hawlgalka ku ballaariyeen dhul hor leh.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa hawlgalkooda ku fidiyay tuulooyinka hoostaga Degmada Ceelbaraf.

Ciidamada ayaa hawlgal sifeyn ah ka sameeyay tuulooyin ay ka mid tahay Oobaale, ka dib markii sida la sheegay ay dib ugu soo laabteen maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay la hawlgalayaan ciidamo kale oo ka soo socdo dhinaca Degmada Mahadaay, kuwaas oo iyana ku wajahan tuulooyinka Timire Hurawa, Buurfuule iyo Diinlaaw.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay u tallaabi doonaan dhulka hawdka ah ee Ceelbaraf, isla-markaana uu ujeedku yahay in ay xiraan waddada tagta Webiga Shabelle iyo tan gasha hawdka.

Ceelbaraf ayaanu marin webiga, balse webiga ayaa mara meel 20km jihada galbeed kaga beegan degmadaasi, waxaana duleedka Ceelbaraf mara marin muhiim ah oo Shabaabku ay u adeegsadaan inay isugu kala gooshaan Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, waana sababta ciidamada halkaasi loogu diray si ay u xiraan.

Ciidamada ayaa fulinaya istiraatiijiyadda Taliska Militariga ee uu ugu talagalay inay ciidamadu isugu ballaariyaan xuduudaha Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, si aysan Shabaabku u helin marin ay isugu kala gudbaan.

Khamiistii, ciidamo ka soo dhaqaaqay aagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa isku fidinaya xuduudda labada gobol ee Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ciidamadan oo hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Hilowle Gaab ayaa ku sii gurguuranaya deegaanka Cali Heele oo hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa la doonaya in ay taggaan hawdka dhaca xadka labadaasi gobol, iyadoo markaasi la xakameynayo dhaqdhaqaaqa iyo gurmadka ay Shabaabku heli karaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamo kale oo ka soo socdo Magaalada Muqdisho ay ku wajahan yihiin dhulka miyiga ee u dhaxeeya Degmada Ruunirgood iyo deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada qaybtood ay u gudbi doonaan dhulka fog ee lama degaanka ah ee u dhaxeeya Cali Heele iyo Galcad. Tani ayaa wax badan ka tari doonto in Shabaabka laga hor istaago inay adeegsadaan waddooyinka mara duleedyada Galcad ee Galgaduud ku xira Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ilo ku dhow dhow Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in sidoo kale ciidamo la dhigi doono jidka jayga ee xiriiriya Degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelbaraf ee Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Jidkan ayaa waxaa ku yaala bar saddex xagal ah oo isku xirto saddexda gobol. Ciidamada ayaa waxaa la leeyahay waxay go’doominayaan Shabaabka Gobolada Dhexe.

Ciidamada oo fariisimo ka sameysta dhulka hawdka ayaa waxay yareyn kartaa khasaaraha ciidamada, si aan wax dhabar jebin ah loogu samayn kuwooda xoreynaya deegaanada iyo magaalooyinka la doonayo in la qabto.

Hawlgalkan ka socdo dhulka dahabiga ah ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc