Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Puntland kula dagaalameyso Daacish

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Puntland kula dagaalameyso Daacish

by Laacib

Wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa maanta galay toddobaadkiisii labaad, ka dib markii Madaxweynaha Puntland uu 27-kii bishii February ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u bilaabanayo 28-ka bishaasi.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si qoto dheer ugu sii fidaya deegaanada galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad, oo muddooyinkan ay kula dagaalamayeen Daacish, isla-markaana ah meesha ay haatan sida la ogyahay ka joogto Gobolka Bari.

Hawlgal kale oo kaasi barbar socdo ayay ciidamadu kaga sifeynayaan kooxaha argagixisada deegaanada dhexe Calmiskaad ee dhawaan laga saaray kooxahaasi.

Deegaanada bartamaha ee ku xeeran Tog-jaceyl ayaa waxaa la sheegay in ay ku soo laabteen tiro yar oo ka mid ah maleeshiyadaasi, kuwaas oo soo weydaartay ciidamada hawlgalka ka wada furinta hore. Maleeshiyadan ayaa isku dayeysa in ay carqaladeyso hawlgalka ka socdo furimaha dagaalka.

Ciidamada ay Puntland dhowr cisho ka hor u daabushay bartamaha Calmiskaad ayaa maleeshiyadaasi ka raadinaya god kasta oo ay geli karaan.

Kabtan Raage Ciiro Qacle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa mar sii horreysay sheegay in ay cagta marin doonaan xubnaha isku dayaya in ay aasaan miinooyinka.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa xalay sheegay in ciidamadu ay deegaanka Buruc ka qabteen nin lala xiriiriyay argagixisada Daacish, isla-markaana uu baaritaan ku socdo. Buruc ayaa hoostagta Degmada Qandala.

Hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa ahmiyad u leh Dowlad Goboleedka Puntland, si ay deegaanadeeda uga suuliso, waxa ay ku sheegtay Daacishta soo duushay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in hawlgalku uu ku socdo, sidii loogu talagalay.

Ciidamada ayaa fulinaya amarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ee ahaa in la soo qabto ninka ugu dambeeya ee Daacish amaba la dilo.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in ciidamadu ay ku taagan yihiin waddadii lagu soo afjari lahaa Daacish.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in si weyn loo wiiqay awooddii militari ee Daacish, muddadii uu hawlgalkan socday.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maalinba tan xigta ku sii fidaya deegaanada ay Daacishta Somaliya kaga harsan tahay dhulka buuraleyda ee Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc