Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Beledweyne

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa, oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Nin la socday gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa weeraray kontorool lagu hubiyo gaadiidka, oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee dhanka galbeed ee Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay rasaaseeyeen ninkaasi, ka hor intii aanu ku qarxin afaafka hore ee kontoroolkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne, Cumar Cismaan Calasow ayaa sheegay in ninkaasi oo la socday gaari Caasi ahaa uu isku dayay in uu xoog kaga gudbo kontoroolka, balse ay ka hortaggeen ciidamadu.

Gudoomiyaha oo VOA la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen afar qof, oo isugu jira askar iyo shacab, toban kalena ay ku dhaawacantay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaartay shan qof, dhaawacuna uu sii caga-cageynayo shan iyo toban qof.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa cambaareeyay qaraxan, oo uu ku sheegay isku day ay maleeshiyada Al Shabaab ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka reer Beledweyne, isagoo dhanka kale tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasadda & Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa ku baaqay in meel lagaga soo wada jeesto Shabaabka.

“Abaal uma ergana kooxda argagixisada Al Shabaab, ehelna lama aha Soomaali. Waa inaan diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenaba ka badbaadinaa cadowgan wax uu reebaayo aan la arag.” Ayuu yiri Xasan Ibraahim.

Qaraxan ayaa imanaya, xilli Magaalada Beledweyne looga diyaargaroobayay munaasabadda xuska 1-da Luulyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc