Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye (Ex School Polizio) ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka barxadda Dugsiga General Kaahiye ee Degmada Xamar Jajab.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu isku qarxiyay dad fadhiyay maqaaxida, oo ay ku jiraan Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Ciidamada Booliska ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala dugsigaasi, iyadoo gaadiidka ambalaasyadana ay goobta ka qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Dadka qaar ee ka badbaaday qaraxa ayaa goobta laga kaxeeyay, iyagoo ku jira xaalad naxdin ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in toddobo qof oo isugu jira askar iyo shacab ay ku dhinteen qaraxa, lix kalena ay ku dhaawacantay.
Dadka la xaqiijiyay ee qaraxa ku geeriyooday waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar.
Ma cadda, sida ismiidaamiyuhu uu ku soo gaaray goobta, maadaama dugsigu uu ku yaalo xeendaab ay ku badan yihiin ciidamada, si weyna amnigeeda loo ilaaliyo.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase lala xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab oo iyagu looga bartay qaraxyada ceynkani oo kale ah.
17-kii bishii November ee sanadkii 2020 ayuu sidaan oo kale nin ismiidaamiye ahaa uu isugu qarxiyay maqaaxi ku taala dugsigaasi. Xilligaasi oo qaraxa ay Al Shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo uu ku jiro ninkii weerarka gaystay, sida uu boolisku xaqiijiyay.
Inkastoo muddooyinkanba uu ka soo reynayay amniga Caasimadda Muqdisho, haddana Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa in ay iyadu ugu wacan tahay gaabiska ka jira xagga amniga. Dadka saluugsan siyaasadda amniga ee Villa Somalia ayaa ku dhaliila inaysan waxba ka baran qarax illaa qarax kale.
Shabaabka ayaa markii muddo la joogaba waxay si lama filaan ah ay u qarxiyaan goob muhiim ah, iyadoo aysan laamaha amnigu si sax ah uga jawaabin su’aalaha ka soo noqda.
Ma badna dadka ay dowladdu u ciqaabto qaraxyadaasi, waxaana naadir ah in ay cidi masuuliyaddu yeelato.
Qaraxyadu waxa ay qayb ka yihiin dagaalka jabhadeynta ah ee ay Shabaabku dalka ka wadaan. Shabaabka ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo joogitaanka ATMIS ee dalka.
17 sano oo Shabaabku ay dalka ka dagaalamayeen, waxaad mooddaa in dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray aanay wax la taaban karo ka baran xeeladaha ay adeegsadaan.