Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay Israel oo hawlgal ballaaran ka waddo Daanta Galbeed (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay Israel oo hawlgal ballaaran ka waddo Daanta Galbeed (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa maalintii labaad hawlgal ka wada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyagoona kula dagaalamaya kooxaha wax iska caabinta ee halkaasi ka dilaacay, kana soo horjeeda in ay gumeysiga ku sii hoos noolaadaan.

Ciidamada Israel oo taageero ka helayo diyaaradahooda dagaalka ayaa Arbacadii xoog ku galay Magaalooyinka Jenin, Tulkarm iyo Tubas ee Daanta Galbeed.

Israel ayaa afar guuto oo ciidan ah soo gelisay goobaha uu hawlgalku ka socdo, si ay u soo qabqabtaan amaba ay u dilaan kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Dadka deegaanka ayaa hawlgalkan ku sheegay kiisii ugu weynaa ee ay arkaan, tan iyo Intifaadada labaad ee Falastiiniyiinta oo bilowday sanadkii 2000.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgal ka dhan ah waxa ay ugu yeereen argagixisada ay ka bilaabeen Jenin iyo Tulkarm, iyagoona sheegay in ay ku dileen 5 nin oo hubeysan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in afar kale lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay xerada qaxootiga Al-Faraa ee u dhow Magaalada Tubas.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymo ay Ciidanka Cirka Israel ka gaysteen waqooyiga Daanta Galbeed.

Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigoodu yahay Magaalada Ramallah ayaa cambaareeyay hawlgalka ballaaran ee ay Israel ka waddo dhulka la haysto.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa saaka ku warantay in 20 kaloo Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay hawlgalka militari ee lagu bartilmaameedsaday magaalooyinkaasi.

Kor u kaca rabshadaha ka jira Daanta Galbeed ayaa bilowday, ka dib markii Israel ay weerar cir iyo dhulba ku qaadday Marinka Gaza.

Isku dhacyada Daanta Galbeed ayaa billihii ugu dambeeyay lagu dilay in ka badan 600 oo Falastiiniyiin ah, iyadoo kumanaan lagu dhaawacay, halka kumanaan kalena lagu xirxiray.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee ka dilaacay Daanta Galbeed ayaa ka biyo diidan ficilada waxashnimada ah ee nidaamka gumeystaha.

Kooxahan oo aan si sax ah loo ogeyn halka ay ku tababartaan ayaa bilaabay inay Israel si toos ah ugu la dagaalamaan Daanta Galbeed, iyagoo ka carreysan duulaanka Israel ee Gaza.

Khubarada ayaa horey uga digay inaysan Israel ku guuleysan doonin dagaalka Gaza, inta ay si naxariis darro ah u leynayso qoysas dhan oo aan waxba galabsan, taasna ay xoojineyso uun iska caabinta.

Dhallinyaro fara-badan oo ka carooday dilka loo gaystay xubno ka mid ahaa qoysaskooda iyo eheladooda ayaa qaybtood ku biiray kooxaha wax iska caabinta ee ka dagaalamaya Gaza, halka qaar kalena ay Israel furin cusub kaga fureen Daanta Galbeed.

Israel ayaa shalay sheegtay in Iran ay ka masuul tahay dabka haatan ka holcaya Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo ku eedeysay inay si qarsoodi ah hubka ku soo geliso dhulkaasi.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegay in Israel ay waddo qorshe ay kaga hortageyso kaabeyaasha argagixisada Iran, sida uu yiri.

Iran waa dowladda keliya caalamka ee la ogyahay inay taageero militari iyo mid maaliyadeedba siiso kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Iran waa quwad ka jirta Bariga Dhexe, isla-markaana ay si weyn isu hayaan Israel oo Mareykanka uu la safan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc