Israel iyo Xuuthiyiinta Yemen ayaa kordhiyay weeradooda ka dhanka ah midba midka kale ee ka dhashay duulaanka Tel Aviv ee Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Khamiistii iyo Jimcahan garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca, kaas oo ah midka ugu weyn ee dalkaasi Yemen.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ay sidoo kale beegsadeen Xarunta Tamarta Hezyaz ee koonfurta Sanca iyo dekedda, xarun shidaal iyo xarun koronto oo ku yaala Gobolka Hudaydah ee galbeedka dalkaasi.
“Goobahan ayay Xuuthiyiinta u isticmaalayeen meelo lagu kaydiyo hubka Iran ay gayso dalkaasi.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.
Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay dhinteen, 40 kalena ay ku dhaawacmeen duqaymahaasi.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa ku dhaawacmay weerarada xagga cirka ee ay Israel ka gaysatay Garoonka Diyaaradaha Sanca, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Madaxa Hay’adda WHO, Tedros Ghebreyesus iyo xubno la socday ayaa isku diyaarinayay inay ka dhoofaan garoonkaasi, xilligii Khamiistii uu weerarku dhacayay.
Tedros Ghebreyesus ayaa u joogay Caasimadda Sanca, si uu Saraakiisha Xuuthiyiinta uga la hadlo sii deynta xubno ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey oo xiran iyo wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee dalkaasi.
Xuuthiyiinta ayaa Jimcahan sheegtay masuuliyadda weerar ay sheegeen inay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Magaalada Tel Aviv.
Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarkoodu uu jawaab u yahay duqayn ay subaxnimadii hore ee saakay ay diyaaradaha dagaalka Israel u gaysteen garoonka weyn ee Sanca, isla-markaana ay si sax ah u bartilmaameedsadeen garoonka ugu weyn ee Israel.
Militariga Israel ayaa sheegay inay soo rideen gantaal saakay lagaga soo tuuray dalka Yemen, ka hor inta aanu soo gelin hawada Israel.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in Israel ay kordhin doonto bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah Xuuthiyiinta.
“Sida aan sheegnay qof kasta oo na waxyeeleeya waan dhaawici doonnaa. Waxaan ugaarsan doonnaa dhammaan Saraakiisha Xuuthiyiinta, waxaana u dili doonnaa, sida aan meelo kale ka samaynay.” Ayuu yiri Katz.
Xuuthiyiinta ayaa bayaan ay maanta soo saareen ku sheegay in weerarada uga imanaya Israel ay keliya xoojin doonaan go’aanka shacabka Yemen ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in dhegahooda aysan maqlin hanjabaadaha Israel.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in mowqifkoodu uu cad yahay, isla-markaana ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Israel, inta ay xasuuqa ku hayso dadka reer Gaza.
Xuuthiyiinta ayaa toddobaadkan weeraradii ugu badnaa ka gaystay gudaha Israel, iyadoona ay noqoneyso markii saddexaad oo Israel ay weerarto Garoonka Diyaaradaha Sanca iyo galbeedka dalkaasi, 8-dii maalmood ee ugu dambeysay.
Duqaymaha xagga cirka ee ay dhinacyadu is weydaarsanayaan ayaa waxaa muuqata inay kordhayaan, taasoo uga sii dareysa xiisadda gobolka ee la xiriirta colaadda Gaza.
Xuuthiyiinta ayaa bartilmaameedsanaya maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sii jeeda Dekedaha Israel, iyagoo si joogta ah u sheega in weeraradooda ay ku garab taagan yihiin dadka Gaza.