Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay maqaaxida Top Coffee ee Muqdisho (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay maqaaxida Top Coffee ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxii xalay caweyskii ka dhacay maqaaxida Magaalada Muqdisho.

Maqaaxidan oo lagu magacaabo Top Coffee, kuna taalo agagaarka Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa fadhiyay dad daaweynayay ciyaartii finalka ahayd ee wadamada Qaaradda Yurub ee u dhaxeysay Spain iyo Ingiriiska.

Qaraxan oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh ayaa ka dambeeyay, ka dib markii nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku qarxiyay albaabka laga galo maqaaxidaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in shan qof ay ku dhinteen qaraxaasi, labaatan kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale qaraxan ayaa gaystay burbur baaxad leh oo hantiyadeed, oo isugu jira gaadiid ku gubtay goobta, burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida iyo dhismayaasha kale ee ku dhow dhow.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maqaaxidu ay fariisan jireen Saraakiisha Hay’adaha Dowladda Federaalka, taasina ay ka dambeysay sababta loo beegsaday.

Qaraxan ayaa imanaya, iyadoo is bedel weyn oo dhanka amniga ah uu muddooyinkii ugu dambeysay ka jiray Caasimadda Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in dhawaalaba inay ka nasteen weerarada kooxaha argagixisada.

Dowladda Federaalka oo ahmiyad gaar ah siineysa arrinta amniga Muqdisho ayaa loo arkaa tan ugu wacan amniga ka soo reynaya ee ka jira magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc