Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay shilka diyaaradeed ee lagu waayay Madaxweynaha Iran

Wararkii ugu dambeeyay shilka diyaaradeed ee lagu waayay Madaxweynaha Iran

by Laacib

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi iyo masuuliyiin kale oo la socday ayaa Axaddii galay shir diyaaradeed, xilli ay dib ugu laabanayeen magaalo madaxda dalkaasi ee Tehran.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la socday diyaarad Helicopter ah, waxayna shilkan galaan, iyagoo ka soo laabanaya daahfurka biyo xireen laga hirgeliyay gobolka bari ee Azerbaijan.

Madaxweynaha Iran iyo dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa daahfuray mashruuca biyo xireenka Webiga Aras ee laga dhisay deegaanka Qiz Qalasi Dam ee xuduudda. Daahfurkan ayaana ah calaamadii ugu dambeysay ee xiriirka diiran ee labada dal.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in diyaaradda lagu waayay inta u dhaxeyso dhul buuraley iyo kaymo oo ku dhow Magaalada Julfa, taas oo ku taala xadka uu dalkaasi Iran la wadaago dalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan.

Warbaahinta ayaa sheegtay in cimilada oo aad u xun, roobabka da’aya iyo ceeryaamada ku dul hoganeysa dhulkaasi ay adkeynayaan gurmadka socda ee la doonayo in lagu soo samatabixiyo masuuliyiinta.

Shaqaalaha samatabixinta iyo kooxaha xaaladaha degdegga ah ee dalkaasi ayaa wada gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Dadaalada socda ayaa waxaa xalay ku biiray khubaro uu Turkiga u soo diray dalkaasi, kuwaa oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ee leh qalabka lagu arki karo wax kasta oo qarsooma, mar ay sidaan oo kale ay cimilada u xun tahay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ka xun yahay shilka la sheegay inay galeen dhiggiisa Iran iyo xubnihii kale ee la socday.

Madaxweyne Erdogan ayaa ballanqaaday in Ankara ay bixin doonto dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha Turkiga ay heleen diyaaraddii uu saarnaa Madaxweynaha.

Warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in kooxaha samatabixinta ay gaareen goobta ay ku dhacday diyaaradda.

Bisha Cas ayaan weli wax war ah ka soo saaarin, haddii Madaxweynaha iyo xubnihii kale ay badbaadeen iyo in kale.

Madaxweyne Raisi ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian.

Ma cadda waxa dhabta ah ee sababay shilka diyaaradda, balse Ruushka ayaa ballanqaaday in Iran uu kala shaqayn doono baaritaanka shilkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc