Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay weerarada cadowtinimada ee Israel ka waddo Gaza

Wararkii ugu dambeeyay weerarada cadowtinimada ee Israel ka waddo Gaza

by Laacib

Dad badan oo rayid ah ayaa ku dhintay, kuna dhaawacmay duqaymo xiriir ah oo Israel ay maanta ka gaysatay Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay Jabalia, Al-Tuffah, Ariba, Rafah iyo Al-Barbari oo ku kala yaala waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in Israel ay Sabtidan oo keliya Gaza ku dishay 41 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacday.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyaa in mar kasta oo guuldarro ay kala kulmaan furimaha hore ay gaystaan duqaymo ay ku waxyeeleynayaan shacabka aan waxba galabsan.

Weerarada xagga cirka ayay waxyeelada ugu badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah, iyadoona uu ujeedku yahay in cadaadis lagu saaro Xamaas, si ay xoogageeda isu soo dhiibaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in duqaymaha aan kala sooca lahayn ee Israel ay illaa iyo hadda ku dhinteen 45,717 qof, 108,856 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dumarka iyo carruurta reer Gaza ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalka Israel.

Dhanka kale xaalad argagax leh ayaa laga soo sheegaya waqooyiga Gaza, halkaas oo bishii saddexaad ay Ciidamada Israel ka wadaan hawlgal aan horey noociisa loo arag.

Ciidanka Difaaca Israel ayaa lagu eedeeyay in ay xaalad ciriiri ah geliyeen dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool, iyagoona isku dayaya in ay ka sifeeyaan.

Xaaladda ugu daran ee bani’aadantinimo ayaa laga soo sheegaya xerada qaxootiga Jabalia, oo ah xerada ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.

Jabalia oo dadka ugu badan ay ku sugan yihiin ayaa ah goobta ugu badan ee xagga cirka iyo dhulkaba laga weerarayo, mana jiro baa la leeyahay gargaar la geeyay muddada uu hawlgalkan socdo.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay inaysan wax gargaar ah gaarsiin karin qaybaha waqooyi, sababtu tahay go’doominta adag ee Ciidamada Israel iyo inay hortaagan yihiin kolonyada gargaarka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aanu wax isbitaal ah ka jirin dhulkaasi, dadka ku dhaawacmayana weerarada Israel aysan jirin meel lagu daweeyo.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay fulinayaan qorsheyaasha ay dejiyeen janaraaladooda ee Falastiiniyiinta lagaga rarayo waqooyiga Gaza.

Jabalia ayaa muuqaalada laga soo qaaday laga arki karay inay tahay meel aad u baaba’san oo aan lagu noolaan karin, haddana ay shacabku ku adkeysanayaan inay guryahooda sii joogaan, si inta hartay aan looga qaadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc