Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay weerarka Israel ku hayso Magaalada Jenin

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Israel ku hayso Magaalada Jenin

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ayaa sheegaya in maalintii saddexaad uu dagaal ka soconayo magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa yimid, ka dib markii Ciidamada Israel ay Talaadadii bilaabeen hawlgal ay sheegeen in lagu la dagaalamayo kooxaha hubeysan Falastiiniyiinta ee halkaasi ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Israel ay culeys weyn soo saareen magaaladaasi, isla-markaana ay go’doomiyeen. Ciidamada ayaa korontada ka jaray Jenin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inaysan jirin cid geli karta magaalada, marka aad eegto in dhinac kastaba laga go’doomiyay.

Kooxaha iska caabinta ayaa isku dayaya in ay iska caabiyaan ciidamada faraha badan ee ka tirsan Militariga Israel, kuwaa oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka.

Shabakadda Wararka Falastiiniyiinta ee Al Quds Today ayaa ku warantay in Muhammad Abu Al Asaad iyo Qutaiba Al Shalabi lagu dilay iska horimaad socday dhowr saacadood oo Ciidamada Israel ay la galeen.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 12 qof lagu dilay duulaanka cusub ee Israel ka waddo Daanta Galbeed.

Barasaabka Jenin, Kamal Abu Al Rub ayaa sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay isku dayayaan in ay badbaadiyaan dhaawacyada, iyadoo aanay wax koronto ahi jirin.

“Ciidamada Israel ayaa korontada ka jaray Jenin iyo deegaanada ku xeeran, shaqaalaha caafimaadkana waxay halgan ugu jiraan inay nal helaan.” Ayuu yiri Kamal Abu Al Rub.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay Jenin ka wadaan hawlgal uu sheegay inay kaga sifeynayaan kooxaha argagixisada.

Ma cadda, muddada uu socon doono hawlgalka, marka laga soo tago in Wasiir Katz uu sheegay in hawlgalku uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo kooxaha hubeysan.

Iska caabinta Daanta Galbeed ayaa xoogeysatay, ka gadaal duulaankii Israel ay bishii October ee sanadkii 2023 ku qaadday Marinka Gaza.

Kororka rabshadaha ee Daanta Galbeed ayaa ahaa wax ay Falastiiniyiinta kaga dhiidhinayeen xasuuqa baahsan ee Gaza.

Israel ayaa bilowday hawlgalkeeda Jenin maalmo uun ka dib, markii ay xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc