Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Luuq iyo suuqii weynaa oo wada gubtay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Luuq iyo suuqii weynaa oo wada gubtay

by Laacib

Waxaa saaka degan xaaladda Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ka dib iska horimaad Jimcihii ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka, balse markii dambe uu isku dhacooda isku bedelay xiisad u dhaxeyso laba ka mid ah beelaha deegaanka.

Xiisadda beelahan ayaa qaraxday, markii nin askari ahaa uu ku dhintay iska horimaadka ciidamada oo ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliska Luuq.

Askarigan oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda ee degmadaasi, ayna la socdeen askar kale oo ku heyb ahayd ayaa sida la sheegay waxaa cabasho ka ahaa askarta kale ee gacantooda uu ku baxay.

Intaasi ka dib maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa degmadaasi ku dishay hooyo iyo gabar ay dhashay, iyadoo dadkan loo dilay aano qabiil, waxaana saacado ka dib la dilay nin askari ahaa, oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdullaahi Gardhuub, kaas oo ka mid ahaa boolis kala dhex galay labada ciidan, intii uu iska horimaadku socday.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa ka dilaacay maleeshiyaad iska soo horjeeda, kuwaa oo meelaha qaarkood ku dagaalamay.

Kooxahan ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen guryo la deganaa iyo weliba Suuqa Waratada, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Degmada Luuq.

Suuqan oo ku yaala inta u dhaxeyso Saldhigga Booliska iyo Masjidka Al-Raxma ayaa la sheegaya in gebi ahaantiisuba uu basbeelay.

Xasan Cabdiqaadir Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada qaybtood ay isku horfadhiyaan halka lagu magacaabo Koreedka, oo ku dhow kontoroolka galbeed ee Luuq ee looga baxo waddada aadda dhanka Magaalada Muqdisho.

Xasan Cabdiqaadir ayaa sheegaya inaysan jirin cid illaa iyo hadda kala dhex gashay dhinacyadaasi.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow Ugaas Xandulle oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Luuq ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan.

“Annaga, haddii aan odayaasha nahay waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dagaalka iyo dhibaatada. Somaliya dagaal way ka soo daashay.” Ayuu yiri Ugaas Cabdirashiid Ugaas Bilow.

Ugaas Cabdirashiid ayaa tilmaamay inay tuhunsan yihiin in colaadda ay ka dambeeyaan niman doonaya buu yiri inay dadka isku dhuftaan amaba raba inay maamulka ku xumeeyaan shaqaaqadaan socoto.

Ugaaska ayaa dhanka kale sheegay in shan qof ay ku dhinteen shaqaaqooyinkaasi, saddex kalena ay ku dhaawacantay.

Inkastoo saaka ay xaaladdu degan tahay, haddana dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba isku dhacyo hor leh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc