Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa ay xaalad kacsanaan leh ka jirto qaybo ka mid ah gobolkaasi, ka dib weeraradii xooganaa ee ay maanta maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen qaar ka mid ah deegaanadii horey looga xoreeyay ee gobolka.
Dagaal-yahanada Al Shabaab ayaa weerar culus ku ekeeyay deegaanada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Daaru-nimca iyo Alkowsar ee gobolkaasi.
Galabta ayay ahayd, markii Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta degmada muhiimka ah ee Ceelbaraf.
Wararka ayaa sheegaya in caawa ay ciidamadu ku dhaqaaqeen deegaanadaasi, si looga fogeeyo maleeshiyada Shabaabka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in caawa cir iyo dhulba laga duqeeyay maleeshiyadii qabsatay deegaanka Alkowsar.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku aysan xitaa ka fogeyn deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Daaru-nimca, iyadoona laga cabsi qabo in ay dib u soo weeraraan, waana sababta ay ciidamadu halkaasi ugu sii socdaan.
Ciidamada ayaa la soo sheegaya in jihooyin kala duwan ay uga dhaqaaqeen deegaanadaasi, iyadoona kuwooda ugu badan ay ka soo ruqaansadeen dhinaca Magaalada Jowhar.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshballe ayaa iska kaashanaya gulufka dib loogu qabanayo deegaanadaasi.
Dadka deegaanka ee lagu khasbay in ay guryahooda ka cararaan iyo kuwa weli ku harsan deegaanadaasi ayaa ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabka soo weeraray deegaanadaasi ay ka yimaadeen galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ciidamadu ay bilaabeen hawlgal ay kaga sifeynayaan hareeraha Webiga Shabelle, isla-markaana ay isugu fidinayaan xuduudaha gobolkaasi uu la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Shabaabka ayaad mooddaa in ay ka carreysan yihiin hawlgalada ay ciidamadu ku xakameynayaan dhaqdhaqaaqyadooda deegaanada Hirshabelle & Galmudug iyo culeyska ay ku hayaan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanadaasi.
Ciidamada ayaa bartamihii bishan bilaabay in ay isku ballaariyaan xuduudaha saddexda gobol, si loo jaro gurmadka ay Shabaabku ka heli karaan Gobolada Koonfureed iyo in ay ka firxadaan deegaanada ay hawlgaladu ka socdaan, si aysan dhibaato uga abuurin deegaano nabdoon oo firxadkoodu ay gaari karaan.
Taliska Militariga ayaa la tacaalaya isku dayada ay Shabaabku ku fashilin karaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee ka socdo Gobolada Dhexe.
Weeraradan ugu dambeeyay ay Shabaabku ka gaysteen Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa imanaya, ka gadaal markii ciidamadu ay Talaadadii iyo Arbacadii maleeshiyadaasi ka saareen deegaano dhaca jiinka webiga, una dhaxeeya Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Taliyaha Guutada 3aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Yuusuf ayaa mar sii horreysay sheegay in ciidamadu ay xoreeyeen deegaano ay ka mid yihiin Shanlow, Raasqaboobe, Dhagaxow, Yaaqle iyo dhulka ku xeeran.
Shabaabka ayaa waxaa muuqata in ay culeys kala kulmayaan wejiga labaad ee hawlgalka, oo xooggiisu uu ka soconayo deegaanada Hirshabelle.