Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo bariga gobolkaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay saqdii dhexe ee xalay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Aboorey oo hoostaga Degmada Buuloburde.
Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Magaalooyinka Beledweyne, Halgan, Buuloburde illaa Maxaas.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Militariga ay abaabulayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, si Shabaab looga riixo Aboorey, inkastoo haddaba aysan ciidamadu ka fogeyn deegaankaasi, maadaama ay ku sugan yihiin aagagga Caddow Gurey iyo Yasooman.
Warbaahinta ayaa fahamsan in abaabulka socdo lagu xoojinayo goobaha ciidamada kaga sugan yihiin deegaanada ku dhow dhow Aboorey, si dib loo la wareego deegaankaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabka soo galay Aboorey ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Jicibow, iyagoo adeegsanaya hawdka deegaanka Beera-yabaal.
Jicibow oo Webiga Shabelle uu dhinac ka maro ayaa ah goobta ugu muhiimsan ee ay Shabaabku haatan isaga kala gudbaan bariga iyo galbeedka gobolka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa bishii February kubaareeyay Jicibow, walow uu hakad ku yimid culeyskii ay ku hayeen, sababtoo ah Shabaabka oo weeraro is ballaarin ah ka bilaabay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Weeraradan ayaa dib-u-dhac weyn ku keenay qorshihii socday ee la doonayay in Shabaabka lagaga saaro galbeedka Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Shabaabka ayaa dhowr iyo toban sano ka arriminayay galbeedka labada gobol ee Hirshabelle.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Shabaabku ay saaka dhufeysyo ka qodanayaan Aboorey.
Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in Aboorey oo ku taala goob istiraatiiji ah ay Shabaabku damacsan yihiin inay uga sii gudbaan dhinaca Yasooman, si ay u furtaan waddada Yasooman illaa Maxaas, isagoona ujeedkoodu ku tilmaamay, sidii ay u heli lahaayeen marin uu gurmadkooda Galmudug u soo maro.
Macalimuu ayaa ka digay waxa uu ku sheegay odayaal dalaaliin ah oo ka wakiil ah Al Shabaab in ay kala qaybiyaan dadka deegaanka, si uu u guuleysto qorshaha ay Shabaabku ku sameysanayaan marinka cusub.
Ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in dagaal culus uu ka dhici doono Aboorey, haddii aanay dib u guran Shabaabka qabsaday.