Home Dhacdooyin Wariye laga soo qabtay Afgooye oo ku xiran Muqdisho

Wariye laga soo qabtay Afgooye oo ku xiran Muqdisho

by Laacib

Wariye Ibraahim Maxamed Mayow (Bashka) oo ka hawlagala Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku xiran Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii laga soo xiray degmadaasi.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Wariyaha, ka gadal markii uu bilaabay in uu tebiyo khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii ay maanta maleeshiyada Al Shabaab ku weerareen degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in amarka lagu soo xiray uu bixiyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, oo isaga iyo saraakiil uu hoggaaminayo ay maanta gaareen degmadaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ninka Wariyaha ah lagu haysto keliya baahinta khasaaraha nafeed ay gaysteen hoobiyeyaasha ay maleeshiyadu ku garaacday degmada.

Ilaha ku dhow dhow Saraakiisha Ciidamada ayaa ku waramaya in Ibraahim Maxamed Mayow oo caawa ku hooyanaya CID ay su’aalo weydiin ku socoto.

Wariyaha oo ka mid ah Wariyeyaasha ka hawlgala Afgooye ayaa ahaa wakiil wareed ka tirsan Warbaahinta Dalsan ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Bashka oo sidoo kale ka tirsan Idaacadda Afgooye ayaa muddooyinkan si weyn uga muuqday Warbaahinta.

Xariggiisa ayaa imanaya, xilli xasaasi ah oo Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto, sidii ay dib ugu caabin lahayd Shabaabka culeyska ku haya Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow.

Lama filayo in hay’adaha ammaanka ay faah faahiyaan sababta lagu soo xiray, haddiiba ay dhacdo in si dhakhsa ah uu dib xorriyaddiisa ugu helo, haddii uu sii xirnaadana ay suurtagal tahay in maxkamad la horkeeno.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc