Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa ka hadashay dagaalka maalintii saddexaad ee ciidamada iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maraya deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in deegaankaasi uu ka socdo hawlgal aan caadi ahayn, oo sida uu sheegay lagu naafeynayo kooxaha argagixisada.
Afhayeenka ayaa sheegaya in dagaalku uu weli ka socdo Aboorey iyo tuulooyinka hoostaga, ciidamaduna ay ku howlan yihiin, sidii ay maleeshiyadaasi u soo afjari lahaayeen.
“Cadowga Khawaarijta khasaare weyn ayaa ka soo gaaray dagaalka, ciidankuna koley haddii ay dagaal gelayaan inay guuleystaan ama inay shahaado qaataan ayay ugu jiraan, wixii naga shahiidayna Alle ha u naxariisto, laakiin Khawaarijta jab weyn ayaa halkaasi ku gaaray.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.
Waxa uu kaloo uu sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee dagaalka uu gaystay, marka la soo geba-gabeeyo hawlgalkan.
Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa tilmaamay in inta badan maleeshiyada laga saaray deegaanka, marka laga soo tago in yar oo sida uu sheegay la go’doomiyay.
Mar wax laga weydiiyay waxa cusleeyay dagaalka ee keenay inuu sii daba dheeraado ayuu u sababeeyay Aboorey, oo ah deegaan istiraatiiji ah.
“Aboorey waa magaalo istiraatiiji ah oo cadowga ay aad u daneynayaan. Marka sidaasi darteed ayay isku dayeen xoogaa inay ku gacan adeygaan oo meesha ay sii joogaan, laakiin Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka oo aad u dareensan cadowga dhagartooda ayaa halkaas isku dhaarsaday. Marka inay magaalo istiraatiiji tahay darteed ayuu dagaalka heerkaas la soo gaaray.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Aboorey u jooga, sidii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Shabaab kaga sifeyn lahaayeen deegaankaasi.