Home Wararka Maanta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Shabellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Shabellaha Dhexe

by Laacib

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa xalay sheegay in ciidamadu ay ka hortaggeen weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay Jimcihii shalay ku soo qaadeen deegaanka Boos Hareeri oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa muuqaal uu soo duubay isaga oo ku sugan furimaha hore waxa uu ku bogaadiyay, sida ay ciidamada uga hortaggeen dhagar uu sheegay in Shabaabku ay damacsanaayeen.

“Waxaan rabnaa inaan bogaadino, sida ay ciidamada uga hortaggeen dhagartii ay maleegayeen Khawaarijta Al Shabaab.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka ayaa ka tacsiyeeyay askarta Ciidanka Xoogga Dalka kaga dhimatay dagaalka, isagoo aan sheegin tirada askarta ee ku dhimatay dagaalkaasi.

“Xadiiskii Nabiga CSW, dokumentiga Nabiga saxiixay uu yiri qofkii ku dhinta Khawaarijta gacantooda ama dilo ayaa ahlu janno ah. Waxaan leeyahay marka raggii naga shahiiday Allaha u naxariisto. Xadiiska Nabiga CSW ayaana raggaas ku dul arooray, rag loo baqaayo ma ahan ama welwel naga hayo ama ka naxayno ma ahan, inta dhaawacantayna Allaha caafiyo.” Ayuu yiri Abuukar Macalin Maxamuud.

Abuukar Macalin ayaa yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qaranka qaybahooda kala duwan, waxaan kula dardaarmayaa ayagoo ku jira bisha Ramadan inay haddana ku cibaadeystaan dhiigga Khawaarijta, ay daadiyaan, ayna dardaraan, dalkana ay ka badbaadiyaan, Diinta Islaamka ee suuban ay ka badbaadiyaan.”

Abuukar Macalin ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku dhalleeceeyay inay ka taggeen soonka uu Alle bisha Ramadan ku waajib yeelay Muslimiinta, ka dib markii sida uu sheegay la soo bandhigay, iyagoo Khamiistii wax ku karsanaya deegaanka Lamagaras (Labagaras) oo dhaca duleedka Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Waxaan horey ula wadaagnay shacabka Soomaaliyeed inay Ramadanka xoolo qashaan, Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaankana ay weeraraan xilliga afurka, si ay u carqaladeeyaan afurka, maadaama aysan ahayn kuwo sooman.” Ayuu yiri Abuukar Macalin.

Abuukar Macalin oo farriin u gudbinayay shacabka ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagaynaa in Al Shabaab wax diin ah iyo dhaqan aysan wax shaqo ah ku lahayn, maadaama Ramadan ayagoo wax cunaayo la soo bandhigay.”

Illaa 10 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Boos Hareeri, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Shabaabka ayaa weerar culus ku qaaday fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaankaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay la wareegaan, inkastoo saacado ka dib ay ciidamadu dib uga saareen.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo intii ay Shabaabku culeyska soo saareen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc