Home Wararka Maanta Wasiir Alcadaala “Iskuma dhex jiri karno annaga iyo Khawaarij”

Wasiir Alcadaala “Iskuma dhex jiri karno annaga iyo Khawaarij”

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay inaysan xal kale u haynin maleeshiyada Al Shabaab, aan ka ahayn waddada ay iyagu doorteen ee ah in la dilo.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in dalku uu ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyadaasi, kaasoo sida uu sheegay dhul iyo cirba lagu la dagaalamayo Khawaarijta.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa, annagoo Allah (SWT) kaashanayno in dalkan cadowgaasi diinta, dadka iyo dalkaba halista ku ah aan ka saarno.” Ayuu yiri, isagoo xusay inay ku faraxsan yihiin, sida uu hawlgalku u socdo.

“Illaa iyo hadda waxaan runtii ku faraxsanahay in hawlgaladaas aan fulinay, sidii loogu talagalay inay u dhaceen.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Shabaabku ay cadow yihiin, xalkuna uu yahay in la dilo oo keliya.

“Shabaab waa cadow, xalka aan u hayno oo keliya ay iyagu doorteen waa in la dilo.” Ayuu yiri Alcadaala.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso, sidii hawlgalka socdo ee cir iyo dhulba leh aysan waxyeelo uga soo gaari lahayn dadka rayidka ah.

Alcadaala ayaa ku celiyay baaqii Golaha Wasiirada ee ku saabsanaa inay shacabku ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaabka, bacdamaa ay bartilmaameed yihiin.

“Haddana waan ugu celinaynaa inay ka fogaadaan meelaha ay ku dhuumanayaan dembiileyaasha Khawaarijta, inaanan lala macaamilin, inaanan guryo laga kireynin iyo in meeshii ay yimaadaan laga durko oo laga fogaado.” Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa ku waramaya in shacabka Soomaaliyeed iyo Shabaab ay maanta kala soocmeen, isla-markaana ay shacabku go’aansadeen in ay la dagaalamaan maleeshiyadaasi.

“Waxaan ognahay in dadka Soomaaliyeed iyo Khawaarijtu ay maanta kala soocmeen, furimaha dagaalkana ciidamada waxaa uga horreya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo iyagu goostay inay in ay la dagaalamaan. Marka iskuma dhex jiri karno annaga iyo Khawaarij.” Ayuu yiri Alcadaala.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc